X

Ceel-Afweyn Maxay Weyday..? By. ENG. AHMED HASSSAN HUSSEIN

Garashada guurtida xigaalka ee ku abuuran diinta iyo caadooyinkii shacabka dan-wadaagta ahaa ee reer ceelafweyn, waxay luntay markii ay ka godgaleen labada oday, naxariistii janno ilaahay ha waraabiyee, oo runtii ahaa waayeel aad loo ciseeyo. Waxay ahaayeen rag aad u runsheeg badan, sidiii macalimiinta oo kale, RUN SHEEG waa rabbi yaqaan.
Waxay ku sifoobeen fidinta diinta islaamka, waxay fureen malcaamado, MAXAMED X DUCAALE , wuxu ahaa ninkii ka furay dugsiga Ceelafweyn 1949.

Guyaad degaankasi waa dhul ilaahay ku maneystey xoolo, duurjoog iwm…waxa dadka deegaanka dhex yaaley, kalgacal, Abtiyeed, mid Inaadeer, mid Xidid, iyo mid Xigto, waa si yaabaha uu ku soo baxay, magaca HABAR LAMAAN, abtinimodu ka xoog weyneeyd ,walaalaha , waayo HOOYADU iyadaa ahayd mudanta, la qiimeeyo oo leh dhalasho adag oo walaalaheed maqlaan.

Anigu waxaan ku barbaarey degmada Ceelafweyn ,waxan ka galay malcaamad
iskuul,,kan hoose ,dhexe,. hadii aan ka waramo intii aan ku noollaa ,magaalada qaaliga igu ah waxay ahayd ,magaalo madaxii joogto oo guurti ka arimiso,.Naxariistii janno alle ha ka waraabiyee
GUURTII… WAXA MADAX KA AHAA ,.
SIYAASI ..MAXAMED X DUCAALE
CAAQIL …NUUX MAXAMED NUUR
CAAQIL …JAAMAC FAARAX.

Waxaa xusuus mudan dhaxalkoodii qof maanta hayaa na jiro, degmadii Ceelafweyn waxay gashay dagaal siyaasadeed, oo uu horseed ka yahay Maxamuud Xaashi, waa dagaal ooge. Waxa maanta dan ah in reer Ceelafweyn tashadaan oo dib u xasuustaan dardaaranadii madax dhaqamood koodii iyo talo qabeenkoodii ay hiddaha u lahaayeen.

QALINKII …ENG. AHMED HASSSAN HUSSEIN
TORONTO, CANADA.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post