X

Candhana waa xubin

25% Candhana waa xubin Oo Macallinka Wuxuun Bay U Tari: W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Korodhka xukuumaddu 25% macallinka mushaharka ugu kordhisay sanadka cusub ee 2020 waxay markhaati ka tahay sida madaxweynaha JSL u danaynayo waxbarashada dalka guud ahaan, gaar ahaan kaalinta iyo saamaynta macallinku ku leeyahay, waxay markhaati ka tahay sida uu ugu heelan yahay taageerada siyaasadda iyo dadaalka wasaaradda waxbarashada & sayniska ee lagu tayaynayo heerarka kala duwan ee waxbarashada dalka.

Mahadsanid madaxweyne, mahadsanid wasiir, hase ahaatee qadarka mushaharka loogu daray wax badan ka bedeli mayso baahida macallinka marka loo eego heerka maceeshadda magaalooyinka, wuxuun bay se tari doontaa kol ay meel ka gufaysana, ilayn candhana waa xubine.

Waxa kale oo ay macallinka u noqon kartaa dhiiri gelin iyo in ay dareen geliso in loo ogyahay shaqada muhiimka ah ee uu umadda u hayo.

Si kastaba ha ahaatee xalka tayaynta waxbarashadu ma aha oo kaliya kordhinta mushaharka macallinka balse waxay u baahan tahay nidaam iyo siyaasaddii lagu hagi lahaa iyo xeerarka loo dejiyay oo sidooda loo dabaqo.

Meelaha bulshadu saluugayso waxa ka mid ah tirada iyo tayada jaamacadaha, waxa la tabaya masuuliyaddii iyo doorkii wasaaraddu ku lahayd jaangoynta tacliinta sare; waxa lagu dhalliilaya in aanay lahayn awooddii iyo kartidii lagu ilaalin lahaa tayada jaamacadaha.

Wasaaradda waxbarashada & Sayniska ka sakow waxa jira Komishanka Tacliinta sare oo magacownaa muddo 9 sannadood ah hase ahaatee waxba ka bedeli kari waayay tayadii tacliinta sare ee dalka, waxaana sii batay tirada jaamacadaha magac u yaalka ah markii la fududeeyay bixinta ogolaanshaha in la furto jaamacado cusub oo hor leh.

Runtii Komishanku ma laha awood fulineed waxay se leeyihiin kormeer iyo warbixino madaxda sare ee xukuumaddu ku go’aan qaadato iyo in tallaabo laga qaado jaamacadaha buuxin kari waayay shuruudihii looga baahna ama ku dhaqmi waayay siyaasadda iyo xeerarka wasaaradda tusaale ahaan qaadashada ardayda cusub (admission-ka), saacadaha ardaygu kaga baxo jaamacadda (credit hours-ka), habboonaanta meesha, kaabeyaasha waxbarashada iwm.

Talo bixin

  • In la joojiyo ruqsadaha jaamacadaha (license) ee sida fudud loo bixinayo.
  • Qiimayn kadib in ruqsadaha lagala noqdo kuwa aan u qalmin in ay jaamacado sii ahaadaan ee lugooyada ah.
  • In Komishanka tacliinta sare la baraarujiyo lana xoojiyo kadibna lagula xisaabtamo xilka iyo shaqada loo igmaday.
  • In ogolaanshaha jaamacadaha lagu galayo laga bixiyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka si looga digtoonaado shahaadada dugsiga sare ee been abuurka ah.
  • In si isku mid ah aan loo qiimayn Degree-ga 3 sanadood ee boobsiiska ah lagu qaato iyo degree-ga 4 sanadood oo jaamacad ah lagu qaatay.

W/Q Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post