X

Buug uu ku Qallin-jebiyey Arday Sucuudi ah oo Siyaasad u Noqday Dawladda Australia

Araweelo News Network

Buug uu ku qallin-jebiyey arday shahaadada sare diyaariyey (PhD thesis) oo u dhashay waddanka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, ayey siyaasad ka dhigatay xukuumadda galbeedka dalka Australia, gaar ahaan Waaxda Ilaalinta Seerayaasha iyo Duur-joogta si ay u ogaato sida degaanku u sameeyo xeebaha.
Waaxdan ayaa sheegtay in xog daraaseedka buuggan ku qoran ay fulin doonaan. Waxa buuggu si gaar ah u taabtay xaaladda xeebta woqooyi ee North Kimbery oo galbeedka Australia dhacda, halkaas oo hoos-u-dhac aad u weyn ku yimi duur-joog badan oo degaankaas ku noolaa.
Waaxda Ilaalinta Seerayaasha iyo Duur-joogta ee Australia, waxa ay xustay in daraasad ardaygan Sucuudiga ah oo la yidhaa Moataz Kurdi sameeyey oo ku qoran buuggiisa qallin-jabinta tahay tii ugu horreysay nooceeda, uguna saxsanayd, taasoo ay ku jiraan sawirro iyo xogo biyaha hoose badda oo muujinaya saamaynta ku timi xayawaanka iyo dhirta badda gudaheeda ku nool.
Waxa kaloo waaxdani sheegtay in daraasadaha noocan ah u oggolanayaan in la ilaaliyo degaanka badda, lana ogaado saamaynta cilmilada is-beddeshay ku yeelato.
Kurdi oo deeq waxbarasho oo shahaadda PhD ah ka helay dawladda Australia, waxna ka dhiganayey Jaamacadda Curtin University oo galbeedka dalkaas ku taal, waxa uu buuggiisa ka qoray saamaynta degaan ee xeebta North Kimberly, isagoo isticmalayey sawirro satalaydka uu ka helay (Geomorhology of North Kimberly Coast in Western Australia and Used remote sensing techniques and satellite images).
Daraasadda ardaygani waxa ay badka soo dhigtay hab-cilmiyeed cusub oo loo isticmaali karo macluumaad yaal dalalka horumaray.
Mr. Kurdi ayaa u sheegay warbaahinta Al-carabiya in daraasaddiisu ka qaybqaadanayso horumarinta xeebaha amma xeelliyada galbeedka Australia iyo waliba in beero laga qoto degaannada ku teedsan xeebahaas.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post