Boqorkii sheekooyinka. Siciid Jaamac Xuseen.
“Giddigeed adduunyada wixii geesi lagu faanay, Gocasho iyo ciil baa ka hadha gobi u aydaaye!”—Cali Sugulle; IHN.
Siciid Jaamac Xuseen, loona garan ogyahay Siciid Gumucdi, waa mid ka mid ahaa haldoorka, indheer garadka, fogaan aragga iyo foollaadka Bulshada Soomaaliyeed. Siciid waxa uu ku dhashay soonaha u dhexeeya degmada Ceelafweyn iyo degmada Ceerigaabo, horraantii saxansaxada iyo laydhii gobonnimo doonka. Waa walaalka Saalax iyo Xaamud, oo iyagauna ahaa rag gaadhay figta sare ee falsafadda iyo oggaalka. Si gaar ah na Xaamud, (Hamed Jama(oo ahaa macallin kii caddaanka iyo madowga. Si kooban nimankaasi waxa ay ahaayeen xiddigihii reer sanaag, mar kale waxa ay ahaayeen ilayskii geeska, mar kalena waxa ay ahaayeen hormuudkii basharka—caddaan iyo madow, gaal iyo islaamba. Waxa ay koriyeen maanka iyo garaadka bashariyada. Waxa ay horseedeen wacyi kornaan, xaddaarad iyo baraarug ummadeed. Halku-dhigga ay u qalmaan waa meeriskii uu Seyid Muxammad Cabdille Xasan ku tookhay markii uu yidhi, “Dayaxiyo shamsaan ahay haddaan lay dafirahayne!” Alaylehe way ahaayeen, waana ka sarreeyaan. Ma hayo eray aan ku sifeeyo xiddigahaas adduunka innagu soo maray, se aan Soomaalida ka helin mudnaantii, gobonnimadii, maamuuskii iyo meeqaamkii ay lahaayeen! Wallow Xaamud Jaamac isaga si weyn looga xuso oo loo xusuusto geeridiisa dabayaaqadii Joly 2019 dhinaca saqaafada Bulshada Carabta gaar ahaan Cadan iyo guud ahaan Yemen oo si loo xuso geeridiisa, laakiin layaab malaha, oo Gaarriye ayaa ku sifeeyey Soomaalida weedh ahayd: “Aasi og!” Waa markii uu ku tiraabay:
Ha laguu ilmeeyee
Horta dhimo Af maahee
Eeggoo la noolyiyo
Ifkaan kaaga baahnahay
Wax yar oo aqoonsi ah
Oon aad u buurnayn!”
Aynu usoo noqonno anbaqaadka qoraalkeenna, una gudubno shakhsiyadda boqorkii sheekooyinka ee aynu ku bilawnay mawduuceena , waa Siciid Jaamac! Sida ay ku sifeeyeen dadkii la faca ahaa iyo kuwii uu nolloshooda tacabka geliyay, Saciid waxa uu ahaa shakhsiyad kulansatay sifooyin baddan oo ay ka mid yihiin; gobonnimo, deeqsinnimo, Afgaabni iyo laab xaadhnaani. Taasna waxa aynu ka dheehan karnaa, oo innooga marag ah buugaagtiisa, maqaalladiisa iyo raadadkiisa falsafadeed ee aynu la noolahay. Siciid waa guddoomiyihii [Badhasaab] degmada Gurceel waagii kacaanka. Iyada oo Siciid markii dambe iskaga tegey jagadaas sababo ay ka mid yihiin isfahmiwaa dhanka Odayga [Afweyne] kaga yimid. Siciid ma jeclayn keligii taliska iyo in kabbaha la daba qaado. Waxa uu ahaa shakhsi aragtidiisa, fikirkiisa iyo mabda’iisa siyaasadeed xor u ah. Wuxuu noqday Xafiiskii Suyaasadda iyo xidhiidhka Bulshada ka hor intii aanu ka goosa xuukamadii Millateriga ahayd hiraantii todobaataneeyadii, isagoo dhinaca dalka Yemen gaar ahaan Cadan oo uu kusoo kacaamay la aasaasay Urur mucaarad ah kii ugu horeeyay ee lagaga hor yimaado Taliskii Millateri ee Maxamed Siyaad Barte, sida ay saaxiibadiisa Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale ka mid ahaa xaqiijiyeen.
Markaa kaddib waxay Ururkii Mucaaradka ee uu aasaasay usoo wareegeen dhinaca dalka Ethiopia, halkaas oo ay ugu yimaadeen kooxdii Col. Cabdullaahi Yuusuf oo iyagana markaa ka yimi dhinaca Kenya waxaana la mideeyay labadii jabhadood, iyadoo la qaatay Magaca (SSDF), waxaana Guddoomiye noqday Col Cabdullaahi Yuuuf, halka guddoomiye ku xigeenkii jabhadda SSDF [Somali Salvation Democratic Front]. loo doortay Siciid Jaamac, waxayna saaxiibadii ku tllmaameen Siciid insaan milge iyo maamuus leh, uur-fayoobi iyo saamaxaadna Alle ugu deeqay dedaal, karti iyo hawlkarnimana u raacday.
Siciid, waxa uu ahaa haldoor kudayasho mudan. Waxa uu dugsiyadiisa kasoo saaray jiilal badfan oo uu ku canqariyey falsafadda iyo u kuur-galka jiraalka iyo ogaalka wacyiga guud. Kuwaas oo qaarkood bulshada Soomaalida kaga jiraan safka hore, sidoo kale. Siciid Waxa uu qalinka u qaatay garaadkiisana u godlay sidii uu baraarugga ummadda Soomaaliyeed u kobcin lahaa, kaalin sarena u gaadhsiin lahaa. Wuxuu ahaa macallin nololeed. qoraaga Buugaagta Safar aan jiho lahayn, Shufbeel, Ma innaguun baa iyo dhigaallo badan oo ka qayb qaatay kor u qaadista hab fekerka aqoonyahanka iyo dhalinyarada Soomaaliyeed. Ka Soomaali ahaan, waxa uu inoogu jiraa halka ay giriigga ugu jireen Plato, Aristotle iyo falaasifada kale ee aynu maqalno.
Gebagebadii, Siciid waxa ku geeriyooday 9|Jun|2022. Dalka Britain, waxaana si weyn loogu aasay London, iyadoo aaskiisa at ka qaybgalaan siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aqoon weyn u lahaa, aqoonyahan iyo qaybaha kale ee Bulshada, kiwaas oo ka sheekeeyay shaqsiyadiisii,[eeg muuqaalka [ https://youtu.be/IxMgSU9aqkc?si=wL-FJ0udLK6RFiHk].
Munaasibado baroordiiq ah oo lagaga sheekaynayo Geerida Marxuum Sixiid Jaamac ayaa lagu Qabtay Muqdisho, Hargeysa iyo London, iyo weliba Abuja Nigeria, kuwaas oo dad baddan oo Soomaali ajaanib ah kaga sheekeeyeen shaqsiyadii iyo kaalintii Marxuum Siciid Jaamac.
Eebbe hoygiisa jannadii haka yeelo, kuwa anbiyada iyo shuhadada macooda ahaadana haka dhigo. Aamiin Aamiin.
W/Q: Maxamed Saalax.