X

Boodhadhkani Waa Fikrad Madhan Oo Aan Dhisneyn Cilmi iyo Caqliyad Midna

By. Mohamed Farah Qoti

Weli dunnida kama dhicin hawlaha wax-qabad iyo dadaalada ay muujiyaan Gollaha wasiiraddu in lagu kala saaro fikraddaha madhan ee aan ku dhisnayn cilmiga iyo caqliyad toona, xayeysiiska lagu dhajiyey wadooyinka Magaalada Hargeysa oo ay ku xardhan yihiin erayada qoraalka farta waaweyn ah ee “ U codee wasiirka qaranka ugu wanaagsan ee qarankiisa kaabay” caasimadda Hargeysa, ayaa maalmahan lagu arkayay Boodhadh noocaa ah.

mana aha  arrintani mid lagu caayayo garaadka dadweynaha oo kaliya, laakiin waa mid ceeb ku ah oo innoo iftiiminaysa heerka garashaddooda aqooneed uu gaadhsiisan yahay Gollaha Wasiiradda uu hormoodka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muddane, Muuse biixi Cabid .

Sababtoo ah, sumadda codeynta waxa lagu kala saaraa laba shay ama murashaxiin u tartamaysa jagada xubinnimada Gollayaasha iyo Madaxweynenimadda, kaasoo noqda dhawaaqa “ Haa ama Maya”, gacan taag, warqad qarsoon oo lagu qoro cida aad u codeynayso iyo hadal lagu shaaciyo magacayada qofka codka aad siinayso.

Haddaba Hanti-dhowrka guud iyo gollaha baarlamaanku, waxay leeyihiin hab iyo nidaam gaar ah oo ay ku qiimeeyaan hawlaha wax-qabad ee ka socda wasaaraddaha dowliga ahi, wixii u qabsoomay iyo hawlaha wax-qabada ee hakadku ku yimid.

Qiimeyntaa oo ka soo unkatay dhibaatooyinka iyo baahiyaha dhabta ah ee ka jiray dhamaan goobaha adeegyadda bulshaddu u baahan tahay hellitaankooda, hufnaantooda, tiraddooda iyo tayaddooda, waana jihada ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo hadafkii la higsanayay in la gaadhay, laguna hagaajin karo waqtiga lagu guddo jiro hirgalinta hawlaha wax-qabad ee socda in sidii loogu tallo-galay ee ugu fiicnayd loogu dhameystiray, Waxa kale oo ay inoo sheegtaa wixii lagu kordhin lahaa ee lagu gaadhi lahaa hadafka himiladdii la hiigsanayey, ama lagu tayeyn lahaa xirfadda iyo aqoontaba.

Sidoo kale, waa mid lagu falan-qeeyo xaaladdaha adag xogaha baadhitaanadda laga soo ururiyey hawlaha wax-qab, sidii ay u socdeen, astaamaha dabeedeedihii ay lahaayeen iyo natiijooyinkii ka dhashay, kaasoo laga dheehan karo go’aamadii lagu sii wanaajin lahaa hadafkaas wax-tarkiisii, taasoo, diiradda la saarayo xaaladda taagan.
Runtii shaki kuma jiro mashruucan in ay wadaan oo ay dabada ka riixayaan Gollaha wasiiraddu, haddii aanu talaabo ka qaadin arrintan, waa mid bar-maddow ku noqon doontaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane, Muuse Biixi Cabdi ee u wakiishay xilkaa masuuliyadeeda ay hayaan.

Qore: Maxamed Faarax Qoti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post