Araweelo News Network
Sean Parker oo 35 jir ah waxa uu sheer amma wadaag ku leeyahay shirkadda Facebook. Waxa kale oo uu ka mid yahay xubnaha aasaasay shirkadda Napster oo hantideedu dhan tahay $3 bilyan, kadib markii sannadkan la qiimeeyey.Dhawaan waxa kale oo Parker aasaasay shirkad la yidhaa Brigade Media, taasoo dadka u oggolaanaysa in ay fikradahooda iyo doodahooda wadagaan. Wiilka sidan oo dhan hal-abuurka u ah hantida uu kaga mid noqday da’ yarta bilyaneerrada ah waxa ay dhan tahay $2.5 bilyan.
35 jirkan Maraykanka ah waxa kale oo uu guddoomiye ka yahay shirkad sadaqo amma gargaar oo ka hawlgasha arrimaha cilmiga iyo caafimaadka adduunka iyo waliba is dhex-galka dadka.
Drew Houston oo 31 jir ah waxa uu ka mid yahay ragga aasaasay barnaamijka Dropbox la yidhaa ee farriimaha lagu kaydsado amma faylasha la isku waydaarsado, kaasoo ka dhashay kadib markii ay faylal iswaydaarsadeen sannadkii 2007 nin lagu magacaabo Arash Ferdowsi oo ay saxiib yihiin.
Wargeyska Forbes waxa uu shaaciyey in shirkadda Dropbox hadda qiimaha ay taagan tahay uu dhan yahay $10 bilyan, halka uu Houston haysto hanti lagu qiyaasay $1.2 bilyan, taasina waa midda u fududaysay inuu bilyaneerrada da’da yar ee adduunka ku biiro…. La soco…
xiggasho jamhuuriya.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409