X

Bar-bilowga iyo Bu’da Halka Somaliland ka Socon La’dahay Sannadahan

Brigade General Cabdillaahi Xaaji Jaamac Calas, Abbaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Somaliland
Ummad kasta oo ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka sharci ee ay dhigtaan u rabbooba (u hoggaansama) waa hubanti inay himaladooda iyo horumar weyn gaadhaan, taas liddigeedana ummadda shuruucda ku dhaqmi waaya waa xaqiiq inay hallaag iyo dhibaato culus ku dhacayaan.
Haddaba, in muddo ah waxaan waday daraasad ku saabsan bar-bilowga iyo bu’da halka ay ka nuuxsan la’dahay siyaasadda iyo maamulka dalka Jamhuuriyadda Somaliland xilliyadan dambe, waxaan si dhab ah ugu ogaaday inay tahay ku-takrifalka awoodda dawladnimada oo si qaldan loo isticmaalo, afka qalaadna lagu yidhaa ‘arbitrary use of state power,’ kaas oo ah qodobka uu ka soo unkamay sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Falsafaddaas siyaasadeed ee qalloocan waxa Somaliland soo geliyey kooxdii xilalka dawladda ka yaacay markii ay ogaadeen inay fashilmayaan, kadibna shirarka xadgudubka ku ah distoorka iyo shuruucda dalka ku qabtay hudheellada caasimadda Hargeysa, kana soo saaray go’aamo lagu deedafeeyey xukuumadda iyo xisbul-xaakimkeeda KULMIYE.
Waxa la wada ogyahay in falalka kooxdaasi ku kaceen uu halis weyn geliyey nabadgelyada iyo jiritaanka qaranka Somaliland, waxase dibindaabyooyinkaas khatarta badnaa waddanku kaga badbaaday waayeelnimada, aqoonta iyo samirka Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno kooban oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan, kuwaas oo Madaxweynaha ku garab istaagay in dalka laga samata-bixiyo dhagaraha kooxdaasi maleegayeen, waana wax Ilaahay loogu mahad-naqo guushaasi.Hase ahaatee, waxaan werwer xooggan ka qabaa, in dusduskii iyo khiyaamooyinkii xilligaas bilowday oo wejiyo cusub wata ay weli ka sii dhex faafayaan oo xadhkihii ku-tagrifalka awoodda dawladda ee kooxdaasi abuureenna nidaamka dawliga ah ee dalka oo dhan xuleen.
Sidaa darteed, waxaan guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan aqoonyahanka gudaha iyo dibadda oo ay ugu horreeyaan madaxda qaranka, macallimiinta jaamacadaha iyo ardaydooda inay gacmaha isu qabsadaan inay taageero dhan walba ah la garab joogsadaan xukuumadda uu hoggaamiyo siyaasiga ruug-caddaaga ah ee Madaxweyne Siilaanyo iyo xisbigeeda KULMIYE oo muddada ay xilka haysay lagu majeerto horumar ballaadhan oo dalku gaadhay, isla markaana waddanka looga badbaadiyo saymaha kooxdaasi geliyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post