X

Bal maantuun kaa ku diid, Tashoo doon doon nin kale, Hoggaan qarankaa u diran” Maanso

Araweelo News Network.

By. Eng. Abdirahman Dantaada bulshooy ilow, Sidii aad tahay dameer, Dushaa uun uga rarraw, Damiin iyo will an geyin, Dulqaadkaagoo u qaba, Inaadan dareen lahayn, Oo aan daranyada arkayn.

Dushaada warkaa ku yaal, Amaba iska diidayoo, Daalkaagaasina u qaba, Dhalliil kula deristayoo, Adiga kuuba ah dabeec…Wallee kuma dala’sadeen.

 Duntaada ninkii yiqiin, Maxaad doqon dhowrataa, Ku haysaa daarta weyn, Xurmaysaa oo  deddaa, Intaad darajaysid aad, Dushiisana shaal sudhaa.

 Siduu dirxi iyo ahaa, Aboor  dusha kaaga baxay,  Beerkaaga dalooshadoo, Dib uun addi kuugu hadha, Sidii uu  yahay dugaag.

Dagnaan iyo gaadmo raba, Siduu kuu dagi lahaa, Jidhkaaga u diiran laa.

Dhammaataye doo dhahoo, Damiirkaagii gilgilo, Dabkaagii toosi damay, Bal maantuun kaa ku diid, Tashoo doon doon nin kale, Mid gaadhkaaga u dibjira, Hoggaan qarankaa u diran, Mid aan dayacaaga rabin.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Eng. Abdirahman Ismail Nouh

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post