X

Aqoonsigu Wuu Iman Maalintiisa Ee Yaan Dedaalka La Yaraysan: W/Q. Cali Xasan

Somaliland waa qaran tis qaaday wuxuuna hada ku dhawyahay 25 jir waa wadan wadamada kheyrkii ee kula yaala mandaqada Geeska Africa, indhaha caalamka ayey xoog usoo jiidatay kala danbaynta maamul wanaaga ka jira wadan yar oo soo koraya kuna yaal mandaqad nabad gelyadeedu xaasaasi tahay, waxaana ay caalamka ka noqotay mucjiso.

Inkastoo Rajiimkii Siyaad Barre xasuuq ba,an iyo dumis balaadhan u geystay somaliland, dad iyo duunyaba lo gumaaday si arxan daro ah, wali taarikhda aduunyada laguma hayo diyaarad intay ka kacday magaalo isla magaaladii dib u duqaysa taasina waxay ka dhacday caasimada somaliland ee hargeysa, hadana somaliland waxaa waxba umay noqon waxay kasoo kabatay wixii xasuuq iyo iyo dumis loo geystay, waxaana ay shacabkii reer somaliland dhisteen dawlad oo ah ta ilaa maanta taagan.

25 Sanadood Jamhuuriyada Somaliland Shacabkeeda iyo Dawladadeeduba iyagoo isku duuban waxay waxay baadi goob ugu jireen Aqoonsigii 1960-kii aduunyadu siisay , waxaana ay buuxiyeen dhamaan sharuudihii looga baahnaa ee Dawladnimo, waxaan hubaa inuu iman doono maalin maalmaha kamida aqoonsiga somaliland inagoo kamida wadama caalamka ee wax laga waydiiyo talooyinka iyo waayo aragnimada aduunyada, waxayna ku imanaysaa dedaal iyo karti aynu samayno inagoo isku duuban.

Shacabka Somaliland wuxuu kaga duwan yahay Umadaha kale wada jirka iyo iskaashiga qaranimada somaliland waa dad siyaasad ahaan kala fikir duwan hadana ka midaysan qaranimada iyo jiritaanka dalkooda iskuna waafaqa waxkasta oo qaranka horumar u ah, Sharciga axdi qarameedka somaliland waa mid ku taagan rukuno adag dadka somaliland waa kuwo jecel nada iyo wanaaga.

Aqoonsiga ka bilaabay Magaalooyinka Shaffiled iyo Cardiff wuxuu hor dhac u ayahay iftiinka iyo soo dhawaan shaha Aqoonsigii Somaliland oo ka dhigan sidii qorax soo baxday aroor hore, dedaalkaa iyo karitdaa waxaa keenay muwaadiniin u dhashay somaliland aan kala hayan muxaafid iyo mucaarid balse ahaa dad isu kaashaday qaranimada iyo ka dhabaynta himilada qaranku higsanaayo waxaana ay guteen waajib qaran oo saar , dad badan oo dalkan u dhashayn tusaale ayey u noqdeen.

Geba gebadii shacabkayga qaaligaa ee dahabkaa waxaan kula dar daarmayaa ha yaraysanina dedaalkiina, kartidiina iyo baadi goobka aad ugu jirtaan helista aqoonsi buuxa oo la siiyo qarankeena, waxaynu hubnaa inuu maalintiisa imanaayo kana mid noqon doono fadhiyada iyo shirarka lagaga arinsanaayo maamulka aduunyada inaan qeyb ka ahaano oo wax laynaga waydiiiyo.

Cali Xasan
calixasan806@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post