X

Aqoon la,aanta Qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo oo bixiyey Waraysiyo lid ku ah Qaranimada Somaliland: By. Abdiqani Salaf

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ka talisa maanta ayaa waxaa ka muuqata inay dhibaato wayni ka haysato dhanka protocolka dowladnimo iyadoo maalinba maalinta ka danbaysa ay soo baxayso fadeexado kala duwan oo dhanka maamul wanaaga ah. Xukuumada oo ay haykalka dowladnimo ugu jirto afhayeenka Xukuumada oo ah wasiirka Warfaafinta iyo afhayeenka madaxtooyada oo isaguna aan meesha ka maqnayn ayaa hadana aad mooda wasiirkasta ama masuulkasta inuu yahay afhayeenka xukuumada.

Waxaad mooda in si ay isu dhexyaacayaan oo aanay shaqaduba u kala qaybsanayn oo midwalba halkuu kaga hagaagi karo kaga bilaabayo dubbahiisa gaarka ah. Iyadoo wax qabta iyo xeer ciqaabeed midna aanu jirin madaxweyne Siilaanyana waligii laba qof oo ka hoos shaqeynaya oo isku dhaca makala saarin ilaa halgankii SNM. Waana arinta sababtay in marwalba ay is haystaan wasiiradiisu oo ay kala kooxo yihiin.

Madaxweyne ku xigeenka qaranka md Saylici ayaa isagoo kusugan carri maraykan oo uu booqasho kujoogo waraysi siiyey VOA da waxa lawaydiiyey su,aal ahayd xaalada guud ee dalku marayo waqtigan kooxa nabad diidka ah ee ay ka mid tahay khaatumo waxaanu si badheedha afkiisa uga qiray isagoo yidhi : maamul gobaleedka khatumo wuu jiraa lakiin wax wayn maaha. Taasina waxay lid ku tahay qaranimada J. Somaliland inuu madaxweyne xigeenkii dhamaa qirayo in gudaha S/Land maamul gobaleed kajiro.

Madaxweyne ku xigeenku waa inuu raali galin ka bixiyaa ictiraafka uu siiyey nabad diidka waana inuu wax ka bartaa sida uu gudoomiye Faysal Cali Waraabe uga hadlo qadiyada J.S/Land.

Lataliyaha wasiirka hawlaha guud oo isagana ay waraysatay VOA da ayaa isna idaacada ka sheegay tirada ciidanka nabad gelyada wadooyinka isagoo yidhi : ciidanka Taraafikada Somaliland waa 200 oo askariye sidee ayay 60.000 oo gaadhi u maamuli karaan lataliyaha wasiirku miyaanu ogayn in ay qalad tahay in sir ciidan la faafiyo warbaahinta waliba tiradooda laga sheego idaacadaha cadawgu maqlaayo.

Wasiirka arrimiha gudaha Somaliland md Warancade waxa uu waraysi uu siiyey Bbc da ku sheegay isagoo wax laga waydiiyey wafti Safaarada Sudan ee dalka Djibouti ka socday oo waddanka joogay. Waxa ku bilaabay hadalkiisa sidatan : Waxay noogu yimaadeen inay nooga mahad celiyaan hubkii aanu u celinay ee dekadda Barbara kusoo xidhay wasiirku isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi waxaanu ula dhaqanay Sudaan sidii dowlad oo kale taasina waxay ka dhigantay anagu dowlad ma nihin lakiin sidii dowlad oo kale ayaan ula dhaqanay waxayna deel qaaf ku tahay qaranimadeena 23jirsatay.

Allaa Mahad leh
Abdiqani Salaf ( Kaptanka)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post