#Araweelo_News_Network.

Dhacdooyinka nabadgalyo darada iyo weerarka iyo dilka shacabka dhalasho ahaan ka soo jeeda somaliland lakiin deegaan ahaan ku nool dalka itoobiya way caadeysteen ciidamada reer ahaanta isku maamula laakiin ku magacaabad (Liyuu Police) booliska gaarka ah ee dawlad deegaamedka soomaalida.

Ciidamada liyuu boolisku sharciyan waa la kala direy waxaana uu raysal wasaare Abby Ahmed ku amrey madaxda deegaanka in ciidanka liyuu boolis ka lagu kala daro ciidanka military itoobiya (ethiopia army force) iyo ciidanka federal police ka itoobiya. Amarkaasi sidii saxda ahayd umuu fulin waxaa jira in ciidankii liyuu boolisku intoodii badaney ee daganaa bariga gobolada Faafan iyo Jarrar ay Wali sidoodi u shaqeynayaan iyaga oo ujeedka sidaasi loogu daayeyna ay tahay in ay difaacaan danaha gaarka ah ee beesha Ogaaden.

Hadaba dawlada somaliland oo aqoonsi dawladeed ka haysata dawlada fadaraalku maadaama oo ay dawlada itoobiya safiir buuxa usoo magacowdey somaliland xafiiskii safaarada itoobiya na uu hargeysa ka shaqeynayo. Dawlada somaliland xidhiidhkaasi itoobiya marnaba si dublamaasiya ugamay faaiideysan.

Wasiirka arimaha guddaha somaliland iyo laamaha amaanka somaliland marka warbixin buuxda kamay soo saarin ciidanka liyuu booliska ee caadeystey shacabka haybta somaliland ay ku laynayaan iyagoo marka koowaad danaha beesha ogaadeen ku shaqeynaya marka labaadna jiritaanka liyuu booliska ayaa ba sharci daro ah.

Wasiirka Amniga Somaliland inuu qoraal cambaareyn ah soo saaro maaha wax muhiim ah.

Wasiirka Amniga waxaan u soo jeedinayaa inuu qodobadan sameeyo.
1. Inuu u yeedho safiirka itoobiya ee dalkeena jooga uuna geeyo dhakhaatiirta magalaada la keeney dhaawaca iyo maydadka shacabka liyuu boolisku ku xasuuqeen rasaastii dawlada itoobiya shacabkeeda inay ku difaacdo u siisey ciidankan reerka noqdey.

2. In safiirka la siiyo war bixin dhameystiran oo ku saabsan ciidankan liyuu booliska iyo inta jeer ee ay dhibaato dhimasho iyo dhaawac ba ka gaysteen deeganada bariga gobolada faafan iyo Jarar.

3. In dawlada itoobiya lagala xisaabtamo dhacdadii 1.Jaamac dubad. 2. Xarshin 3. Dacawaley. Tirada shacabka dhacdooyinkaasi ku dhintey iyo kuwa ku dhaawac mayba.

4. Sadexdaasi dhacdo ee ciidanka liyuu boolis ku shacabka kula kaceen saraakiishii hogaamineysey in dawcadooda loo gudbiyo safiirka itoobiya si uu u gaadhsiiyo dawlada fadaraalka. Isla markaana uu jawaab cad oo wax ku oola uu safiirku soo celiyo wasiirka amniga somaliland.

5. Wasiirka amnigu waa inuu joojiyaa dhamaan ergooyinka madax dhaqameedka ee doonaya inay arintan iska xilsaaran. Sobabta oo ah inagu dawlad baynu nahay itoobiyana waa dawlad arintan dhacdeyna waa in dowlada soomaaliland kala xisaabtanto dawlada fadaralka itoobiya.

6. Madaxda amniga ee dawlad deegaanku waa inay soo cadeeyaan halka ay joogto argagixisada alshabaab ee ay Lee yihiin waanu la dagaalaney ma shacabka masaakiinta ah baa inta la xasuuqo laga dhigayaa argagixiso.

7. Wasiirka amnigu waa inuu si dublamaasiyada iyo dawladnimo ah uga hawl galo arintaasi si aaney Mar danbe waxan kale aaney u dhicin.

8. dawlada somaliland waa in ay xil iska saarto shacabkeeda ku nool dalka itoobiya ee ah muwaadiniinta itoobiya ah wixii sharci daro iyo cadaalad daro lagu sameeyo waa in ay kala xisaabtantaa dawlada fadaraalka itoobiya.
Haddaba mudane wasiir in aad si diblamaasiyada dawlada fadaraalka itoobiya arintaasi ugaadhsiiso si aanay dib u dhicin dhibaatoyinkan oo kale wixii hore u dhacay iyo tan maantana cidii ka masuulka ahayd loo la xisaabtamo si xal waarna loo gaadho.

ENG HABANE ABDI HABANE