X

Aleppo: Quruxdii Iyo Xadaaradii La Haligay. By. Carraale M Jama

Aleppo oo loo yaqaan Xalab, mararka qaarna loogu yeedho indhihii Carabta, (Arab eyes), waxay ahayd magaalada labaad ee ugu weyn dalka Syria, waana magaallooyinka ugu fac weyn ee ugu quruxda badan dunida, iyadoo kumanaan iyo boqolaal sanadood xarun u ahayd xadaaradihii, ilbaxnimooyinkii iyo boqortooyooyinkii soo maray dunida aynu manta ku nool nahay.
Sanadihii sideetanaadkii waxay qaramada midoobay u aqoonsatay magaalo ay ku xardhan yihiin raadadka xadaaraha bulshooyinka aduunka iyo diimaha, iyadoo ay ku yaaleen dhismayaal kumanaan sanadood waqti haatan laga joogo la dhisay iyo goobo dhismayaal lagu cibaadaysto oo tusaale u ah qadiim nimadeeda iyo diimaha bulshooyinkii ku noolaan jiray halkaa.

Qiyaastii shan boqol oo sanadood ka hor dhalashadii Nebi Ciise CS, waxa la ogaaday inay Aleppo ahayd magaalo la deganyahay, iyadoo ay yaalaan, ama ka muuqdaan magaalada raadadka dhismayaasha ilbaxnimooyinkii iyo Boqortooyinkii Romanki,i Ottoman Empire iyo Dawladdihii Islaamka ee dunida ku faafay iyo kuwo kale, waana magaalo istiraatiijiyad Millateri iyo mid ganacsi lahayd oo kulaalysay Badda Mediterranean Sea, isla markaana isku xidhaysay Bariga, galbeedka iyo China.

Hase yeeshee Aleppo, horaantii sanadkii 2012, waxay gashay xaalad bur-bur iyo holac dagaal oo lagu hoobtay,kaddib markii ay halkaa isku haleeleen Millateriga dalka Suuriya ee Xukuumadda Bashaar Al -Assad  iyo malayshiyaad kala duwan oo dawlada kasoo horjeeda, kuwaas oo dalalka reer galbeedka iyo kuwa Khaliijku taagareeyaeen, iyagoo kau macnayana kuwo doonaya innay xaqa dadka Suniyiinta difaacaan.

Magaalada Aleppo oo qiyaastii ay ku noolaayeen ku dhowaad laba milyan iyo badh dad lagu qiyaasay, waxay waqtigaa yeelatay muuqaal argagax badan oo soo jiitay indha bulshooyinka dunida. Kaddib markii quwaddaha waaweyn ee Ruushka iyo Maraykanku qayb ka noqdeen dagaalka ka socda magaaladaa oo qaybo ka mid ah ka dhigay go,doon.
Kumanaan qof ayaa ku nafwaayay dagaalka magaalada Aleppo oo aanay ku jirin dadka ku dhintay dagaalka magaalooyinka kale ee dalka Suuriya ka socda, waxaana sidoo kale ka qaxay kumanaan qof, waxaana dhulka lala simay dhismayaashii iyo waxyaabihii lagu meejaran jiray magaaladaa oo ay ku jiraan dhismayaal masjido la dhisay boqolaal sanadood ka hor iyo goobo kale oo astaan u ahaa xadaarada qadiimka ah iyo facweynida magaalada Aleppo oo tusaale u ahayd ilbaxnimooyinkii dunida aynu maanta ku noolahay iyo taariikhaha facaweyn ee ay lahayd.

In kasta oo Aleppo noqotay goob dagaal oo si weyn loo bur-buriyay, isla markaana muuqaalkeedu noqday magaalo la haligay, balse weli waxay u muuqta aan lagu kala adkaan, iyadoo xiisada dalalka Maraykanka iyo Ruushka ee kala taageersan dhinacyada ku hirdamaya bur-burka magaaladaa gaadhay meel adag oo cabsideeda leh, taas oo sababtay in Ruushku gantaalaha khatarta ah ee S 300 ku rakibay xeebta dalka Suuriya.

By. Carraale M Jama

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post