X

Ahmiyada Safarka Madaxweynaha Ee Gobollada Bariga Iyo Fursada Bulshada Deegaamadaa

 

Safarka Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ugu baxay qaar ka mid ah gobollada bariga waxan u arkaa muhiim. Marka hore waxan ku boorinayaa dadwaynaha in si wayn oo milge iyo maamuus leh Odayga qaranka loo soo dhaweeyo.

Dhinaca kalena waxay u tahay fursad dadwaynaha gobolada uu booqashada ku mari doono madaxwaynuhu siiba waxgaradka xogogaalka u ah guud ahaan xaaladda dalka iyo gaar ahaan gobolada bariga oo aan kula talinayo in wakhtiga yar ee fursadda ay haystaan ay si run ah oo daacad ah iyo lilaahi ah dhinacooda ay Madaxwaynaha ugu xogwaramaan ee aanay ku wada lumin sacab iyo mashxarad iyo ciyaaro fursada ay haystaan.

 

Sidoo kale, waxaan ku boorinayaa dadka deeggaamada goboladda in ay tabashooyinkooda iyo wixii saluug ah ee ay hayaan si xaqiiq ah ugala hadlaan Madaxweynaha, waana in ay ka hadlaan dhibaatooyinka jira iyo xataa tabashooyinkoodana oo aannay ka qarin oo sheegtaan si hadhow ay ugu noqoto “ma i tidhina waa sede “, si aanay isugu qoomamayn hal ay lahaayeen oo seegay.

 

Waayo inta badan gobolada fog-fog loogama war hayo sida caasimadda oo inta badan madaxdu ay dhex joogaan goor kastana ay xogogaal u yihiin. Markaa intii aad hadhow caban lahaydeen waa kaa dhexdiina jooga Odaygii, Soomaalidu waxay tidhaahdaa, “madax meel ka saraysa oo la salaaxaa ma jirtee”  imikaba ogaada oo fursadaa safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ka faa’idaysta.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. A Ismail

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post