Sidoo kale Taliyah
“Anigoo ku hadlaya Magaca Ciidanka Boliiska G/Sanaag iyo Magacayga waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Guud ahaan Ciidanka Qaranka Somaliland, Gaar ahaan Ciidammada Boliiska Somaliland, Eheledii, Qaraabadii iyo Qoyskii uu ka geeryoodey Marxuum Gaashaanle Cabdullaahi Xasan oo Afhayeenka Guud Ee Boliiska Somaliland oo 12 March 2015, ku geeryooday Magaalada Hargeysa, waxaan Marxuumka Eebbe uga baryayaa inuu jannadii farduusa ka waraabiyo innaga iyo qoyskii uu kabaxayna Samir iyo Iimaan Inaga siiyo”.
Dhinaca kale Marxuum Gaashaanle Cabdullaahi Xasan Faarax, ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Taliska Ciidanka Booliska Somaliland, wuxuuna soo qabtay xilalka Takiyaha Qaybta Booliska Gebilay, Taliyaha Qaybta Booliska Hargeysa iyo Taliye xigeenka Qaybta Hargeysa, isagoo sidoo kale mar ahaa La taliyaha hoggaanka sharciga ee Booliska Somaliland. Marxuumka ayaa ka mid ahaa saraakiisha tirada yar ee ku xeel-dheer aqoonta shuruucda Ciidanka Booliska. Bahda Shebekada Araweelo News Network, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan geeridaa tacsi u diraysaa ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay, waxayna Alle uga baryayaan inuu inuu naxariistii janna-fardawsa ka waraabiyo, iyagana Samir iyo Iimaan saadiqa Alle ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Araweelo News Network Somaliland Office Email info@araweelonews.com Jaamac132@gmail.com Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews