X

Afar Jir Muqaalkiisa iyo Jidhkiisuba u Eg Yihiin 80 Jir

Araweelo News Network

Muuqaalka Wiilka yar ee la moodo 80 jirka

Wiil afar jir ah oo u dhashay waddanka Bangladesh, ayaa muuqaalkiisa iyo jidhkiisuba u egyihiin qof 80 jir ah, kadib markii uu ku dhacay xannuun naadir ku ah adduunka oo hore u gaboojiya muuqaalkiisa guud.
Mr. Bayezid Hossain oo ku nool magaalada Magura oo ku taal koonfurta Bangladesh, ayaa wejigiisa, indhahiisa iyo maqaarkiisuba u egyihiin qof waayeel ah, iyadoo ay dhammaan xubnaha dadka gabooba daciifa ay isagana daciifeen.
Dadka degaankiisa ayaa ku takoora xannuunka, iyadoo xataa carruurta faciisa ah aanay u dhawaan, jeclayna inay la ciyaraan, inkastoo maskax ahaan uu ka caqli badan yahay ubadka yaryar.
Dhakhaatiirta ayaa rumaysan in ilmahan yar uu ku dhacay xannuun la yidhaa Borogeriya (Progeria), kaas oo qofka uu ku dhaco ku keena inuu jidhkiisu in siddeed jeer ka badan hore u gaboobo qofka caadiga ah marka loo eego.
Xaaladda Alle wiilkan yar u keenay oo hore looga jilay filim Hollywood caan ka ah amma buugga sheekadiisu mala’awaalka tahay ee F Stcott Fitzgerald iyo Brad Pitt (The Courios Case of Benjamin Button), kaasoo jilaaga mettelaya uu yahay qof ku dhashay isagoo da’ ah.
Dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in qofka xaaladan ku dhacdo uu u dhinto wadno xannuun amma faalig, isla markaana aanu gaadhin da’da 13 jir, inkastoo uu Alle qof kasta goorta uu dhimaya go’aamiyo.
Bayezid oo sidoo kale jidhkiisu aad u coodh-coodhay, waxa dhashay hooyo 18 jir ah oo la yidhaa Tripti Khatun, waxaanay sheegtay in maskaxda wiilkeeda ku jirta ay la yaabtay oo uu yahay nin aad u faham badan.
“Bayezid waxa uu ku socod bartay 3 jirkii, laakiin waxa uu lahaa ilko dhammaysitran markii uu 3 bilood jiray. Jidhkiisu korriinkii wuu dhammaystay, balse maskax ahaan waad la yaabaysaa markii kula sheekaysanaayo, wax kasta wuu la socdaa, da’da uu jirana siduu uga weyn yahay baabu uga caqli badan yahay. Carruurta kale wuu ka duwan yahay, nin wayeel ah buu u egyahay, markii u horraysay murugada maan haysan karayn in aan ilmahayga sidan ku arko,” ayey tidhi hooyada wiilkan yar.
Wiilkan oo cusbitaal dawladdu leedahay ku dhashay 2012, ayaa waalidkiisu aad u yaabeen markii dhakhtarku u sheegay in aan xaaladdiisa la daawayn karayn, markii uu cusbitaalka ka baxayna waxa dadka jaarka la ahaa ogaadeen xaaladda wiilkooda si ay u dawadaana waxay u galeen safaf dhaadheer, iyagoon wax taageero ah ka helin dadka ay la nool yihiin.
Sida caadada u ah waxa dadka baadiyaha ku nool dhaqan kasta oo adduunka ahba waxay takooraan qofka xaaladda noocan oo kale ku soo dhasha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post