X

Adigaaba Quud Doonaye Quusay Faransiise…!

Ambassador Saamiya Xaaji Muuse wakiilkii Somaliland ee Finland

Adigaaba Quud Doonaye Quusay Faransiise…!

W/Q. Samia Muse

Waaga iyo waayaha warreegaa xilliba xaaja walaacda ee dadna wuu dhimanayaa, dadna waxybay weli aduunka ka raadinayaan..!

Dawladihii waa weynaa ayaa quustay o la tacaalaya caabuqii iyo saamayntii uu ku yeeshay noloshooda, dhaqaalahooda iyo nidaamkoodii dawladnimo, innaguna weli eex, qabyaalad, xaasidnimo, nin jeclaysi, is qab-qabsi, is ceebayn iyo is eedeyn ayaynu ku jirnaa. Allow noo Sahal amuuraha adiga ayaa awoodda leh!

Maanta colada iyo Covid19 waa laba qaawani isma qaadi karaan u labaduba waa dabar goyen iyo aafo qaran u waa maah mahdi tidhi aniga o aabahay la liita ayoo aabihiis ii keeney!
Markaa maanta annaga oo Covid-19 la liidana inaynu colaad isku dhex abuurno oo iswada dhaliilno waa talo xumo iyo mid filan waa ah!

Maan fahmin ilaa hada waxaa dadka nabadda u diiday o markasta dhaliil iyo colaada keena iyada oo nabad, naxariis, jacayl iyo walaalnimo lagu wada noolaan karo..!


Gabyaagii Cabdi Gahayr Allah haw naxariistee oo la hadlayay gabadhiisa xilligii dagaalkii labaad ee dunida, ayaa gabay uu lahaa oo uu ku cabriyo xaaladda si uu xaaskiisa ugu sheego waxa dunida ka dhacay, yidhi, “Adigaaba Quud Doonaye Quusay Faransiise…!

Wixii tagay wey ha odhan
Wax kaa maqana ha u warraaqine
Salaadiyo wakhtigeed…!
Waxtarki noloshaa danbee
Warfaha u wareejiyaayo
Wehelooy wadadaan hayaa
Xidhiidhkeenu yaanu wiiqmin..!

Midnimo Walaalnimo gobonimo Somaliland.

Samia Muse
Wakiilkii hore ee Somaliland u joogay dalka Finland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post