abaaraha1

Waxa dalka ka jirta abaar ba’an oo baahsan, maraysana xaalad adag oo saamayn badan ku yeelatay dad iyo duunyaba, isla markaana aan loo helin gargaar bani’aadanimo oo beesha caalamka iyo deeq-bixiyayaasha toona, balse gurmadka kaliy ee ilaa hadda gaadhay uu tahay mid ay xukuumada talada haysa iyo ganacsatada iyo bulshadu gaadhsiyeen, iyado xukuumaddu ku guuleysatay inay samayso gudiyo heer qaran iyo heer gobolba ah.
Inkastoo ilaa hadda waxa laga qabtay abaarta aanay marnaba u dhigmid baaxadda abaarta ee dalka ka jirta ha ugu sii darnaadaan gobolada bari ee Sool iyo Sanaag, iyadoo waliba aynu maanka ku hayno xaga Alle oo roob keeno moyaane in xili robaadkii ay ka hadhsan tahay mudda afar bilood ah oo roobka ugu horeeya uu Insha Allahu inoo di’i doono bisha Afraad ee Apriil, isla markaana bulshada qaybaheeda kala duwan looga baahan yahay inay ka qaybqaataan sidi loogu gurman lahaa dadka abaartu saamaysay.

Sida aynu wada oganahay waxa uu dalka Somaliland leeyahay hay’ado mid walba waxa ay qabataa shaqo gooni ah oo ay qaranka ugu adeegto, iyadop leh madax iyo shaqaale hawsha ay hayso ka fuliya.
Haddaba, Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu ka mid yahay hay’adaha ugu muhiimsan qaranka Somaliland, una qaabilsan dalka arrimaha doorashoyinka, diwaangalinta, xisbiyada, isla markaana kooxda ama maamulka hoggaamiya oo tiradoodu dhan tahay toddoba xubnood, waxa laga soo xulaa dadwaynaha, waxana so xula xisbiyada siyaasadda, xukuumadda iyo Golaha Guurtida, sida wakhti xaadirkan oo kale oo saddex xisbi dalka ka jiraan, sida KULMIYE, WADDANI iyo UCID, kuwaasoo xubno ku leh Komishanka Doorashooyinka.
Iyadoo sidaa tahay waxa inagu soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo la qoondeeyay in la qabto 28 March ee sannadkan 2017, isla markaana waxa Xukuumadda talada dalka haysa sannadkii 2016 ay ku wareejiyay Komishanka Doorashoyinka Qaranka lacag dhan $10 milyan oo doollar oo ay ugu talogaleen doorashada madaxtooyada, iyadoo sidoo kale misaaniyadda sannadka 2017-kana ay ugu jirto kharashkii lagu qaban lahaa doorashooyinka.
Xukuumadda Somaliland, haddii ay noqoto Madaxweynaha Qaranka Md. Axmed Silaanyo, golihiisa wasiirrada iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE, waxa ay in badan ku celceliyeen inay la diyaar dihiin wixii imkaaniyaad ah ee looga baahdo si doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoonto, isla markaana ay qaadhaan-bixiyaashu ay la diyaar yihiin in ay bixiyaan kharashka ay ugu talogaleen inay ku bixiyaan doorashada Somaliland ee u muddaysan bisha March 2017.

daranyadabaraha
Doorashada Madaxtooyada sida aynu wada ognahay waxa ay dib u dhacday muddo laba jeer oo hore, waxaanna hadda muuqata in abaarta dalka ka taagan ay socotay ilaa laba sanno ah.
Haddaba, maxaa la habooon Komishanka Doorashooyinka, xukuumadda talada dalka haysa iyo xisbiyada qarankaba.

khaalid
Komishanka Doorashooyinka waxa la haboon in doorashada wakhtigeeda ku qabtaan, kana so baxaan waajibkooda iyo dhaartii ay dalka u dharteen inay daacad u noqonayaan, shaqadoodana ka so baxayaan, marxaladda dalka ka jirtana waxa kaliya ee dalka hore u sii wadi kara ay tahay in doorashada wakhtigeeda lagu qabto si horumarkii uu dalku ku soo tallaabsaday muddada 25 sanno aynu hore ugu sii socono.
Dowladda Dhexe waxa iyana la haboon in ay diyaariso wixii arrimo ku xidhan haddii ay noqoto kharashka oo immika ay si bixiyeen inta kale qorshaha ugu jirto, balse aan ku mashquulin sidii doorashadu wakhtigeeda ugu dhacdo, isla markaana gurmad ay horeba ugu gurmatay dadka abaaruhu saameeyeen si xoojiyaan oo imika sida la wado ee guddiyada abaaraha ee heer qaran iyo kuwa gobolladuba u sii shaqeeyaan, ulana tacaalaan sidii ay ummadda ugu gurman lahaayeen wixii tabarucaad ay dowladda, ganacsatada iyo bulshada kaleba ugu deeqdo sideeda loogu gaadhsiiyo, lana sameeyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagaga hortagi karo abaaraha iyo kuwa lagula tacaali karo marka ay dalka ku habsaadaan abaartu, iyadoo la samaynayo qodobada halkan hoose ku xusan iyo kuwa badan oo ayna noqon in dadka lagu caawiyo raashin iyo booyado biyo ah ee loo sameeyo.
1. In loo qodo ceelal biyood oo tiro badan, lagana qodo deegaanada ay abaartu aadka u samaysay
2. In loo sameeyo biyo-xidheeno badan si loogu kaydiyo biyaha roobka iyo kuwa ceelasha laga soo dhaamiyaba.
3. In horumar lagu sameeyo beeralayda, loona qodo ceelal beereedyo, lana siiyo siidhadh iyo bacrimiyayaal lagana caawiyo sidii ay u falal lahaayeen beerahooda.
4. In la sameeyo qorshayaal dadka laga wacyigaliyo sida loga hortago iyo loola tacaalo abaaraha
5. In deeqaha lacagaha iyo raashinakaba ee caalamku bixiyo si fiican lo maamulo, lana gaadhsiyo dadka, lana sameeyo meelo lagu kaydiyo si loo isticmaalo marka ay xaaladaha adag dalka so food saaraan
6. In ay qorshe cad ka samayso dowladdu sidii looga hortagi lahaa abaaraha soo noqnoqonaya.
Xisbiyada siyaasadda ee Somaliland waxa iyagana la gudboon inay ka qaybqaataan horumarka dalka oo aanay noqon uun kuwa ku ololeeya qabyaaladda iyo afxumo, lana xisaabtamaan xukuumadda talada haysa, kana shaqeeyaan, dabadana ka riixaan Guddida Doorashooyinka sidii doorashadu waqtigeeda ugu dhici lahayd, kana baxaan xisbi hebel ayaan doorasho doonayn iyo xisbi hebel ayaan diyaar u ahayn doorashada, kana fogaadaan wixii qarannimada dalka waxyeelaya.
In doorashada dib loo dhigo iyadoo lagu gabbanayo abaaraha dalka ka jira iyo sabab kaleba waxa ay halis u tahay dimoqraadiyadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxqabadka iyo dedaalkii aynu ugu jirnay in dalka la ictiraafo, waxaanay madow galin doontaa mustaqbalka waddankan yar ee curdinka ah.
W/Q: Khaalid A. Hirsi
Hargeisa Somaliland
Hasskhaled2@gmail.com