X

25 Aan KULMIYE Ku Xusuusan Doono

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

Cabdinaasir Axmed Ibraahim; Xisbi siyaasadeed aan ku jiraa ma jiro, mana kala jecli.

1. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, madax baabuurta rasaastu aanay karin ku xarragoota, shacabkooduna qiimo-barar ,harraad iyo macaluul miyi iyo magaalaba ugu dhammaadaan!

2. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, xaraashkii hantidii qaran ee ugu baaxadda weynayd muddo ku siman 25 Sanno.

3. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, 40 jir 40 Malyuun oo lacagta Maraykan ah dhacay!

4. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, korodh miisaaniyadeed oo aan barako lahayn, cidna aanay ka dheefin.

5. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, wasiirro aqoonyahanno ah oo aan warqad Af -Soomaali ah qoran karin!

6. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonaa, lumintii kala danbayntii iyo maamuuskii sharafka dawladnimo ee indho la saaro tan iyo aas- aaskii Jamhuuriyadda Somaliland.

7. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, 80. Konteenar oo macdan ah oo muunad ahaan dibadda luugu diro!

8. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, wasiirro ganacsato ah.

9. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, ballamo beenoobay.

10. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, burburka aqoonta dugsiyada dawladda.

11. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, dhiiri gelinta dadka aan qoxootintiga u aqaan, dadka qaarna ugu yeedhaan magaca kale ee ah “Qurbe joogta iyo niyad jabinta qolqol joogta.”

12. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, xadhiggii ugu badnaa ee suxufiyiinta iyo warbaahinta.

13. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, kharashkii ugu badnaa ee qaranka hudheello iyo xaflado lagu jaaso kaga baxay.

14. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, shirarkii beelaha ee ugu tirada badnaa intii Somaliland jirtay.

15. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, dumar mus-dambeed qaranka u ah oo taladu iyaga ka soo go’do.

16. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, shaanni la qarxiyo iyo shacab la aragixiyo.

17. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, guryaha oo saqda dhexe habeenkii ciidan ugu daataan shacab hurda.

18. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, dhaxal wareejintii hantidii ma guurtada ahayd ee qarankani lahaa.

19. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, wadaaddo siyaasiyiin ah oo xaaraanta aan shan kabo la’ ka soo gaadhin.

20. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, khilaafkii ugu ba’naa ee soo dhex mara xisbi hoggaanka dalka haya.

21. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, in laaluush iyo reernimo lagu kala adkaado, halkii cod iyo doorasho lagu kala adkaan lahaa, marka ay joogto tartanka dhexdiisa.

22. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, tallaalka, kobcinta, beeridda iyo baahinta qabyaaladda.

23. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, hadallo macmacaan oo gole-kaga kac ah.

24. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, kalgacal lagu hungoobay.

25. Kulmiye waxa aan ku xasuusan doonnaa, Ay calan loo xidhay.

Falanqeeye: Cabdinaasir Axmed Ibraahim

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post