X

Warbixin Wargeyska The Guardian Kaga Hadlay Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Muqdisho

Araweelo News Network

London(ANN)-Wargeyska The Guardian, ayaa qoray in Qaraxii lagu hoobtay ee Sabtidii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho uu ka dambeeyay Askari hore uga tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka.

Qaraxan ayaa ahaa mid jawaab u ah weerarkii Duqeynta loo adeegsaday ee 25-kii August ee sanadkan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Mareykanka ay ka geysteen degaanka Badhiidhe, kaasoo ay  ku dileen 10 qof oo rayid ah, sida uu qoray Wargeyska.

“Weerarkan waxa uu ahaa mid lagu doonayay in lagu qaado Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho waxana waday gaadhiga qarxay Askari hore uga tirsanaa ciidamada dowlada kaas oo ka soo jeeda degaanka Badhidhe.” Ayuu daabacay Wargeyska.

Sidoo kale Qaraxan oo warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan ayaa hadana Wargeyska wuxuu kaloo qoray in weerarkan loo adeegsaday laba gaadhi oo midi Xamuul yahay, halka mid kalena uu ahaa gaadhi NOAH, kaasi oo Ciidamada ammaanka ay ku qarxiyeen Agagaarka Ceel-qalow, kadib markii ay gacanta ku dhigeen ninkii waday.

“Gaariga yar waxaa la doonayay inuu isku qarxiyo albaabka laga galo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Medina Gate ka dibna gaadhiga weyn uu wadada u furo si uu ugu qarxo gudaha ama afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha.”Ayuu qoray Wargeyska The Guardian.

Qaraxan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee abid ka dhaca Soomaaliya, ilaa iyo iminka ma jirto cid sheegatay, balse Dowladda Soomaaliya iyo xeeldheerayaasha arrimaha Argagixisada ayaa rumeysan qaraxii Zoobe in ay ka dambeeyeen Al-Shabaab.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post