X

Kenya Oo Xafiis Dublamaasiyadeed Ka Furaynay Somaliland

Mr. Peter Gatirau Munya oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Baashe Cawil Cumar

Nairobi(ANN)-Xukuumada Dalka Kenya, ayaa sheegtay in ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelanayso xidhiidh dublamaasiyadeed.

Sidaana waxa shaaciyeen qaar ka mid ah Wargeyska kasoo baxa magaalada Nairobi todobaadkan oo qorey in dowladda Kenya ay qorsheynayso in ay xafiis ka furato magaalada Hargeysa si loo yagleelo xidhiidh dublamaasiyadeed oo ka dhaxeeya Kenya iyo jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Kenya, Mr.  Monica Juma ayaa ku wargaliyay Mr Philip Mundia Githiora oo ah Agaasimaha Wasaaradda inu u abuuro xidhiidh dublomaasi oo dhexmara Somaliland iyo dowladda Kenya, islamarkaana uu diyaariyo halkii uu ku shaqeyn lahaa Wakiilka cusub ee la doonayo in Somaliland loo magcaabo.

Wargeyska ayaa sheegay in danjire lagu magacaabo Philip Mundia Githiora loo igmaday in uu xafiis ka furo Hargeysa, kadib markii sida la sheegay ay wadahadallo yeesheen wasiirka arrimaha dibedda Kenya Mr. Peter Gatirau Munya iyo xoghayaha golaha Wasiiradda Monica Juma iyo wakiilka Somaliland ee Kenya Cumar Baashe.

Wargeyska oo qoraalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dr Juma ay kulan la yeelatay wasiirkii hore ee Somaliland Sacad Cali Shire.

Kulamadaasi kadib, wasiiradda Dr Juma ayuu wargeyska sheegay in ay warqad u qortay Xoghayaha Joogtada ah ee Shaqaalaha Rayidka ah Joseph Kinyua si uu u fududeeyo hawsha xafiiska cusub ee Hargeysa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post