X

Xog Cusub: Gacan-ku-dhiigle Yuusuf Tuke oo la Ogaaday inuu ka Shaqeeyo Madaar ku Yaal Dalka Maraykanka

Araweelo News Network

Washington (ANN) Baadhitaan dhawaan la sameeyey, ayaa lagu ogaada in kornayl magaciisu yahay Yuusuf Cabdi Cali oo ka mid ahaa taliyeyaasha ciidammadii millatariga Siyaad Barre ee Soomaaliya uu ka mid yahay ilaalada (Security Guard) madaarka caalamiga ah ee Dulles Airport oo ku yaal duleedka caasimadda dalka Maraykanka ee Washington.


Kornayl Yuusuf Cabdi Cali, ayaa ahaa taliyaha guutadii shanaad (fifth brigade) ee millatarigii Soomaaliya sannadihii sideetamaadkii (1980’s), iyadoo loo haysyo eedaymo la xidhiidha dambiyo dagaal oo tiro badan, kana mid yihiin dilal axmaqnimo ah (atrocities) oo loo gaystay muwaadiniin reer Somaliland.
“Ammaanka madaarrada diyaaradaha, ayaa aad loo adkeeyey ilaa muddadii ka dambaysay qaraxyadii loo adeegsaday daaraha ganacsiga ee Maraykanka iyo xarunta difaaca dalkaas, balse, waxa la dhaliilaa in arrintaasi tahay marmarsiiyo ujeedo laga leeyahay oo aan ahayn mid si dhab ah loogu ilaalinayo,” ayaa lagu yidhi warbixinta lagu fashiliyey in ninkan gacan-ku-dhiiglaha ah ka mid ah ilaalada ammaanka madaar ku yaal Maraykanka.
Garoonka Diyaaradaha ee Dulles Aiport, waxa ammaankiisa qaabilsan shirkad gaar loo leeyahay oo ku dooda inay hubiso taariikhda dadka ay shaqaalaha u qorato, balse, waxa fadeexad ku noqotay in dambiile loo hayso dilal fool xun oo dad rayid ah lagula kacay oo ka shaqeeyo, kaasoo lagu ogaaday markii magaciisa lagu baadhay shabakadda la yidhaah Google, iyadoo ninkan loo yaqaan Kornayl Tuke.
Xarunta caddaaladda iyo Isla xisaabtanka (The Center for Justice and accountability), ayaa hore u sheegtay in ninkan dambiilaha ah uu xidhay muwaadin magaciisu haa Farxaan Warfaa iyo dad badan oo ay jaar ahaayeen xilli subax hore ahayd sannadkii 1987-kii, dadkaas oo ka soo jeeda Somaliland.
Waxa kaloo xaruntaasi sheegtay in Yuusuf Cabdi Cali (Tuke) oo ka mid yahay taliyeyaashii bilaa naxdinta ahaa ee taliskii Siyaad Barre muddadii 20-ka sanno ahayd ee uu ka talinay Soomaaliya, iyadoo sidoo kale wargeyska The Guardian uu isna hore u faafiyey warbixin tilmaamaysa in Maxkamadaha dalka Maraykanku ogolaadeen in Mr. Tuke lagu dacwayn karo dambiyadii dagaalka ee uu galay, iyadoo muwaadiniin reer Somaliland dacwad ku oogeen ninkaas gacan-ku-dhiiglaha ah.
Hasa yeeshee, weriye ka tirsan qaybta baadhista dabo-galka ah ee CNN (CNN investigation) oo Jamhuuriya soo xigtay xalay, ayaa ogaaday in ninka la yidhaah Yuusuf Cabdi Cali yahay kornayl ka tirsanaa millatarii Soomaaliya oo loo haysto dacwado la xidhiidha xasuuq iyo dilal axmaqnimo ah, balse uu hadda ka shaqeeyo madaarka Dulles Airport oo ku yaal duleedka magaalada Washington, waxaanna lagu dhalliilay masuuliyiinta madaarkaas in aanay wax aqoon ah u lahayn dadka ay shaqaalaysiiyaan, maadaama hadda la ogaaday in nin gacan-ku-dhiigle ah ku jiro dadka ilaalada u ah garoonkaas diyaaradaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post