X

William Ruto Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuq Ka Dhacay Kaniisaddo Ku Yaal Kenya

William Ruto, Image Araweelo News Network. 30 April 2023

Baadariyo Xasuuqay Dadkii Kaniisadda Ku Xidhnaa

#Araweelo_News_Network.

Nairobi (ANN)-Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono kuwii ka danbeeyay dhacdo naxdin baddan oo xasuuq loogu geystay dad shacab ah, kuwaas oo laga helay xaabalo wadareedyo lagu aasay.

Xabaalaha laga helay deegaanka Malindi ee Kenya, Image Araweelo News Network. 30 April 2023

Arrintan, ayaa si weyn u abuurtay cadho, kaddib makii Kenya laga helay xabaalo wadareedyo xidhiidh la leh urur diimeed Masiixiyiin ah.

Booliiska ayaa baadhaya wadaad magaciisu yahay John Mackenzie Nthenge , kaas oo lagu eeddeeyay in uu xertiisa ku amray in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan Nebi Ciise (CS).

In ka baddan boqol oo qof, ayaa “Meydkooda” laga helay xabaal wadareed, kuwaas oo ay ku jiraan qaar ka mid ah carruur, waxaana Maydadka laga soo saaray qabuuro ku yaal dhinaca xeebta Kaynta ee lagu magcaabo “Shakahola” ee u dhow xeebta Kenya, halkaasoo kaniisaddu saldhig u ahayd.

Dadka lala xidhiidhiyay inay isu kaashadeen xasuuqa, waxa ka mid ah 13 qof oo lagu hayo saldhigga Booliiska Malindi, kuwaas  oo kiiska ku weheliya Mackenzie.

 

Meel ka durugsan guriga Mackenzie ee kaynta Shakahola ee ballaadhan, in ka badan 80 mayd ayaa laga soo saaray,kuwaas oo isu jiray  ku dhawaad 50 ilaa 100 tallaabo.

Sidoo kale, Baadari kale oo magaciisa aad loo yaqaan, ayaa la xidhay, kaas oo wajahaya eeddeymo la xidhiidha arrintan, waxayna Booliisku la xidhiidhiyeen dil wadareedka xertiisa, wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in labada kiis aan si rasmi ah loo xidhidhin.

Maalintii Isniinta, Laanqeyrta Cas ee Kenya waxay diiwaangelisay 212 qof oo lagu la’yahay Liiska raadinta ee ururka, kaddib markii ay soo baxeen warbixinno ku saabsan xasuuqii Shakahola, waxayna sheegtay inay baafinayso si ay u hesho Isniintii, 99 rag ah iyo 113 dumar ah, kuwaas oo la sheegay in la la’yahay,” ayay tidhi, hay’adda Laanqayrta Cas

Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Kenya ayaa si weyn u canbaareeyay dhacdada xasuuqa ah ee ka dhacday Kaniisaddaha Kenya, waxayna ku baaqeen in baadhitaan dheeraad ah la sameeyo, isla markaana cadaaladda la horgeeyo kuwii geystay xasuuqa.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post