Baadariyo Xasuuqay Dadkii Kaniisadda Ku Xidhnaa
#Araweelo_News_Network.
Nairobi (ANN)-Madaxweynaha Dalka Kenya William Ruto ayaa ballan qaaday in tallaabo degdeg ah laga qaadi doono kuwii ka danbeeyay dhacdo naxdin baddan oo xasuuq loogu geystay dad shacab ah, kuwaas oo laga helay xaabalo wadareedyo lagu aasay.
Arrintan, ayaa si weyn u abuurtay cadho, kaddib makii Kenya laga helay xabaalo wadareedyo xidhiidh la leh urur diimeed Masiixiyiin ah.
Booliiska ayaa baadhaya wadaad magaciisu yahay John Mackenzie Nthenge , kaas oo lagu eeddeeyay in uu xertiisa ku amray in ay gaajo u dhintaan si ay ula kulmaan Nebi Ciise (CS).
In ka baddan boqol oo qof, ayaa “Meydkooda” laga helay xabaal wadareed, kuwaas oo ay ku jiraan qaar ka mid ah carruur, waxaana Maydadka laga soo saaray qabuuro ku yaal dhinaca xeebta Kaynta ee lagu magcaabo “Shakahola” ee u dhow xeebta Kenya, halkaasoo kaniisaddu saldhig u ahayd.
Dadka lala xidhiidhiyay inay isu kaashadeen xasuuqa, waxa ka mid ah 13 qof oo lagu hayo saldhigga Booliiska Malindi, kuwaas oo kiiska ku weheliya Mackenzie.
Meel ka durugsan guriga Mackenzie ee kaynta Shakahola ee ballaadhan, in ka badan 80 mayd ayaa laga soo saaray,kuwaas oo isu jiray ku dhawaad 50 ilaa 100 tallaabo.
Sidoo kale, Baadari kale oo magaciisa aad loo yaqaan, ayaa la xidhay, kaas oo wajahaya eeddeymo la xidhiidha arrintan, waxayna Booliisku la xidhiidhiyeen dil wadareedka xertiisa, wallow ay soo baxayaan warar sheegaya in labada kiis aan si rasmi ah loo xidhidhin.
Maalintii Isniinta, Laanqeyrta Cas ee Kenya waxay diiwaangelisay 212 qof oo lagu la’yahay Liiska raadinta ee ururka, kaddib markii ay soo baxeen warbixinno ku saabsan xasuuqii Shakahola, waxayna sheegtay inay baafinayso si ay u hesho Isniintii, 99 rag ah iyo 113 dumar ah, kuwaas oo la sheegay in la la’yahay,” ayay tidhi, hay’adda Laanqayrta Cas
Hay’addaha xuquuqda Aadamaha ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Kenya ayaa si weyn u canbaareeyay dhacdada xasuuqa ah ee ka dhacday Kaniisaddaha Kenya, waxayna ku baaqeen in baadhitaan dheeraad ah la sameeyo, isla markaana cadaaladda la horgeeyo kuwii geystay xasuuqa.
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Follow us on Twitter@Araweelonews
Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews
Follow us on /instagram@araweelonews
Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews
Follow us on /araweelonews.tumblr.com
https://mursaljamasspace.quora.com/
YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv
www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
info@araweelonews.com