X

Weriye Xalay Lagu Weeraray Hargeysa Oo Lala Xidhiidhiyay Wasiirka Madaxtooyada Somàliland

Hargeysa(ANN)Weriye Maxamed Aadan Dirir oo ku magacdheer Caynaba, ayaa xalay lagu weeraray munaasibad uu ka qaybgalay oo lagu soo bandhigay Buug ka hadlaya Halgamaagii Faarax Omar oo lagu qabtay Huteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Koox ku hubaysan Birto Leewaro iyo shaag-baanayasl oo ka kooban sadex qof oo dhlinyaro ah, ayaa soo hujuumay weriye Dirir. Sida uu u sheegay weriye ka tirsan Wargeyska Hubaal oo kula kulmay xalay Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo lagu dawaynahay dhaawacyo waaweyn oo kasoo gaadhay weerarkaa.
Weriye Dirir wuxuu sheegay sadexda Nin ee soo weeraray midkood ka shaqeeyo Madaxtooyadda Somaliland, balse aanu aqoonsan labada kale, kuwaas oo weydiiyay sababta uu Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali u weydiiyay su’aalo uu ka gubtay mar uu todobadkan warbaahinta qaarkeed la hadlay.
Kooxdaa ayaa markàa kadib ku boobay nabaro iyagoo u nacay Biraha ay siteen, isla markaana goobta ka baxsadeen.
Weriyaha la weeraray, ayaa ka hawlgala mid ka mid ah Telefishanada ku hadla AfkaSoomaaliga, wuxuuna hore uga tirsanaan jiray Idaacadii Radio Horyaal ee xiligii Madaxweyne Siilaanyo mucaaardka ahaa afkiisa ku hadli jirtay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post