X

‘Waa in aynu Joojinnaa in Qofka Muwaadinka ah Toos la Iskaga Xidho, Waana in loo Maraa Dariiqa Saxda’

Axmed Faarax Cadare Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland 27 Oct 2015

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Faarax Cadarre, ayaa ka digay xadhigga aan sharciga loo marin loo gaysto muwaadiniinta loo haysto kiisaska madaniga ah.
Wasiir Cadarre waxa uu soo jeediyey in la joojiyo tallaabooyinka ka soo horjeeda nidaamka sharciga u yaal Somaliland ee xadhigga muwaadiniinta, marka laga reebo kuwa gala falalka ku saabsan amniga qaranka.
“Qaabkan iminka reer Somaliland u dhaqmaan waa in wax laga beddelaa, waa in aynu sugnaa qofka muwaadinka ah in aan toos la iskaga xidhin ee dariiqa saxda ahaa loo soo maraa oo loo soo qaataa waaran. Waxyaabaha qaarkood way ku sugayaan, laakiin wixii amni ku saabsan caalamka oo dhan waa laga saaray.
Hasa ahaatee, kiisaska madaniga ah ee inta qofku soo cararo askari loo yeedhayo ee cid la iska soo xidhayo sharcigu ma ogola, cidda wadana waxaannu leenahay joojiya,” ayuu yidhi Md. Axmed Faarax Cadarre oo si gaar ah ugu warramayey telefishanka HCTV shalay.
Waxa kaloo uu sheegay in heerka xuquuqal-insaanka Jamhuuriyadda Somaliland uu marayo halkii ugu wanaagsanayd, isagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilo hay’adaha u xuquuqda aadamaha u doodaa u soo jeediyeen Somaliland.
“Xuquuqal-insaanku waa waajib inna saaran guud ahaan, qof waliba waa inuu gartaa xaqa qofka kale ku leeyahay. Sharcigana waa in qofka masuulka ah iyo ka miskiinka ahi u sinnaadaan, sharcigu maaha uun inuu qofna qabto midna aannu qaban. Dawlad ahaana waxyaabaha aannu dhiirrigelinayno ee aannu ku taaganahay waxa ka mid ah in qofka muwaadinka ahi xilka uu doono ha hayo ama yaanu haynin markay noqoto gar waxa weeye gari Alle ayey taqaan,” ayuu hadalkiisa raaciyey Wasiirka Caddaaladda Somaliland.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post