X

Taliyihii Sirdoonka Dawlada Ruwanda Oo Lagu Qabtay Dalka Britain

General Karenzi, centre, pictured in Sudan in 2008. Karake is one of 40 current or former Rwandan military officials named on an indictment made by a Spanish judge in the same year. Photograph: Susan Schulman/Getty

London(ANN)Taliyihii Sirdoonka dalka Ruwanda General Karenzi Karake, ayaa lagu qabtay dalka Britain. Kadib markii Booliska Caalamiga ah ka qabteen Madaarka Caalamiga ah ee Heathrow ee Magaalada London.

Sidaana waxa shaaciyay Barnaamijka Idaacada BBC-da ee Newsnight oo ka war helay xadhiga Taliyihii Sirdoonka Ruwanda. Kaas oo sida lagu faafiyay barnaamijkaa loo haystay dacwad dawlada Spain hore uga gudbisay oo la xidhiidhay xasuuq iyo inuu bixiyay amar lagu xasuuqay dad shacab ah oo ay ku jiraan shaqaale NGO laga leeyahay dalka Spain sanadkii 2008, xiligaa oo uu ahaa Mr. Karenzi ku xigeenka Taliyaha Sirdoonka Ruwanda.

Booliska Caalamiga ah ee wax masaafuriya, ayaa Sabtidii Todobaadkan ka qabtay sarkaalkaa dhabaha Caalamiga ah ee Diyaaradaha Heathrow, waxaana la sheegay in loo gudbiyay xabsi lagu hayn doono ilaa inta Maxkamad la geynayo 25 Jun 2015, iyadoo la filayo in lagu soo oogo dacwadaha loo haysto ee xasuuqa la xidhiidha.
Waxaana qabashada Sarkaalkaa oo ahaa Madixii Sirdoonka Ruwanda loo cuskaday Qoraal Midawga Yurub ku dalbay in la qabto ka hor inta aanu ku laaban dalkiisa Ruwanda.

General Karenzi Karake oo da’adiisu tahay 54 jir, ayaa ka mid ahaa ku dhowaad Afartan sarkaal oo sanadkii 2008-dii ay maxkamad ku taala dalka Spain ku eedaysay tacadiyo, dambiyadaasi waxaa ka mid ah in xasuuqii ka dhacay dalka Ruwanda kadib uu amray dil wadareed , isaga oo Mr. Karenzi xiligaa ahaa ku simaha madaxa sirdoonka ee Millitariga dalka Ruwanda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelon

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post