X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Albaabada Ka Furay Maxaabiis Ku Dhow Afar Boqol

President of the Republic of Somaliland muse Bihi Abdi Image Araweelo News Network 26 November 2020.

#Araweelo_News_Network.

 

 

CAFIS-MADAXWEYNE

 

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-1144/012024, ee ku taariikhaysan 08/1/2024, Cafis Guud ugu fidiyay Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Sidaana, waxa lagu sheegay Qoraal wareegtada Madaxweynaha ee kasoo baxday Madaxtooyadda Somaliland,waxayna u dhignayd Sidan:-

 

 

Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

 

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

 

Markaan La-tashaday: Hay’addaha Ay Khusayso;

 

Waxaan Go’aamiyey;

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee Xabsiyada Dalka ku xidhan,  oo tiradoodu dhan tahay  376 (Saddex Boqol, Lix iyo Todobaatan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka-dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post