X

Somaliland: Komishanka Qaranka Ee Xuquuqda Aadama Oo Warbixin Kasoo Saaray Xadhigii Saraakiisha Xisbiga WADDANI

ka bilaw Bidix, Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Barkhad Jaamac Batuun, dhexda, Xoghayaha Xisbiga WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi iyo Muj . Cabdi Ibraahim,"Ila Meerayso". midig. Araweelo News Network, 26 Nov, 2019.

Hargeysa(ANN)-Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka Somaliland, ayaa warbixin ka soo saaray dariiqii loo maray xadhiga Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxayna baaq u direen Xukuumadda Somaliland.


Xubno ka tirsan guddiga Xuquuqal Iinsaanka Qaranka ee Somaliland, ayaa Xabsiga Mandheera ku booqday Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI iyo Afhayeenka Xisbigaa Khadar Xuseen Cabdi iyo Barkhad Jaamac Batuun iyo Muj. Cabdi Ibraahin Cabdille (Cabdi Dhawdhawle) oo caan ku noqday maalmihii u danbeeyay naanaysta (ila-meerayso).

Komishanka Xuquul iinsaanka Qaranka, ayaa warbixintooda ku sheegay in Xukuumaddu aanay nidaam sharci ah loo marin qabashadooda, waxayna ku baaqeen in xoriyadooda loo celiyo, ama si deg-deg ah kiiskooda maxkamad loo horgeeyo.

Warbixinta ayaa soo baxday Salaasadii 26/11/2019, ka hor intii aan xukuumaddu xoriyadooda u celin xubnahaa.’
Warbixinta oo dhamaystiran ayaa u qornayd sidan:-

Warbixin Komishanka Qaranka Somalialnd ee Xuquuqda Aadamuhu kasoo saaray Xadhigii Saraakiisha Xisbiga WADDANI 26 Nov 2019.
Warbixin Komishanka Qaranka Somalialnd ee Xuquuqda Aadamuhu kasoo saaray Xadhigii Saraakiisha Xisbiga WADDANI 26 Nov 2019.
Warbixin Komishanka Qaranka Somalialnd ee Xuquuqda Aadamuhu kasoo saaray Xadhigii Saraakiisha Xisbiga WADDANI 26 Nov 2019.
Warbixin Komishanka Qaranka Somalialnd ee Xuquuqda Aadamuhu kasoo saaray Xadhigii Saraakiisha Xisbiga WADDANI 26 Nov 2019.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post