X

#Somaliland: Guddida Qaranka Ee Xuquuqda Aadamaha Oo La Dhaariyay Iyo Dardaarankii Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Halgamaa Maxamed Baaruud Cali Guddoomiyaah Hay'adda Xuuquqda Aadamaha ee Qaranka, Image Araweelo News Network, 8 Jan 2024.

 

#Araweelo_News_Network.

HargeysaANN()-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta madaxweynaha Qaranka Somaliland hortiisa ku dhaariyey xubnaha cusub ee Kommishanka xuquuqul Insaanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo dabayaaqadii 2023 la magcaabay.

 

Munaasibadda dhaarta oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, ayaamid mid loogu dhaariyay xubnaha Kommishanka Xuquuqal Insaanka qaranka oo hore usoo maray shuruudihii ka horreeyay dhaartoodaee lagu soo xulay, kaddibna Madaxweynuhu magcaabay.

Madaxweynaha, Jamhuuriyadda Somaliland, Musue Biixi Cabdi, Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre Aadan Xaaji Cali, iyo xubnaha Guddida Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka, Image Araweelo News Network, 8 Jan 2024.

Guddoomiyaha maxkamadda sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo dhaarta kaddib xubnaha Kommishanka Xuquuqal Insaanka la dardaarmay, ayaa Eebbe uga baryay innuu hawsha u fududeeyo, waxana uu ku boorriyay inay si hufan waajibkooda u gutaan, bulshadoodana u qabtaan adeeg la mahadiyo oo cadaalad ah.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa xubnaha cusub ee loo xulay Komishanka Xuquul Insaanka qaranka u jeediyay kelmedo kooban oo dardaaran ah, waxana uu ku adkeeyey inay waajibka saaran u gutaan si xilkasnimo  iyo deggenaan leh, wallow uu ka mid yahay xubnahan Maxamed Baaruud Cali oo ah halgamaa xabsi daayin u galay xorriyadda iyo hurumarka Bukshadiisa xilligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, kaas oo aan u qalmin in loo tilmaamo hawshan iyo xilkasta oo kale oo qaranka loogu dhiibo,  sidoo kale uu yahay shaqsi raad weyn ku leh halgankii Bulshada Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, isla markaana hore u ahaa guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqal Insaanka Qaranka, taas oo inkasta oo ay tahay Hay’ad dawli ah uu muddadii uu hoggaaminayay u dhisay Hay’ad si weyn loo majeerto oo loo carbiyay innay la tartanto Hay’addaha Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku hambalyeeyey xubnaha cusub ee Xuquul Insaanka hawsha loo igmaday, waxana uu sheegay in hawsha sugaysa darteed ay kamid yihiin komishannada ugu muhiimsan Qaranka ee indhuhu wada hayaan, isagoo yidhi,“Waan idinku hambalyaynayaa in la idin soo xulay, waxana aad ka mid tihiin kommishannada ugu dhibta baddan sida loo xulo oo Kommishannada kale oo dhan waad ka duwan tihiin, waayo waxa la eegayaa inaad dad caddaaladda qaadi kara oo hawshaas baddan qaadi kara tihiin.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo la dardaarmayay xubnaha cusub.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post