X

Somaliland: Ciidamada Amaanka Oo Xabsiga Dhigay Weriye Cabdirashiid Cabdiwahaab Iyo Xeer Ilaalinta Oo Amar Kasoo Saartay Xadhiga Maxamed Ilig

“Hay’adda Sirdoonku Xaq Umma Laha Baadhista La Tuhunsanaha Iyo Inay Maxkamad Horgeyso” Amar Xeer Ilaaliye

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Ciidamada Amaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Weriye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka mid ah Weriyayaasha Somaliland ee ka hawlgala Telefishanka Universal TV. Sidoo kale ka mid ah xubnaha dhowaan loo doortay hogaanka sare ee ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Lama ogga sababta xadhigiisa, wuxuuna noqonayaa dhawr ka mid ah suxufiyiinta Somaliland ee maalmihii u danbeeyay xabsiga loo taxaabay, waxaan xusid muddan oo maalmihii lasoo dhaafay xabsiga la dhigay dhawr ka nid ah maamulka iyo hawlwadeenada Telefishanka MMtv.

Hase yeeshee, waxaa mar danbe lasoo daayay hawlwadeenada kale ee MMtv, iyadoo weli xabsiga lagu hayo maalintii Sagaalaad Agaasimihii MMtv, Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) kaas oo shalay la horgeeyay Maxkamad Millateri.

Arrinta xadhiga Suxufiyiinta maaha mid ku cusub Somaliland oo Dastuurkeedu damaanad qaaday xorriyadda Saxaafadda, wallow aan la ixtiraamin dastuurka iyo xeerarka dalka, balse waxa  su’aalo iyo doodo ka dhasheen talaabada xukuumadda ee markii u horaysay suxufi lagu xidhay taariikhda Somaliland la geeyo Maxkamad Millateri, wallow arrintaa xukuumaddu dib uga guratay ay balanqaaday in kiiska Maxamed Cabdi Ilig loo celinayo Maxkamaddaha Meddeniga ah.

Qoraal Axaddii maanta kasoo baxay xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodijeex ee Hargeysa oo ku taariikhaysan 14 Jan 2024,  isla markaana nuqul ka mid ah ay heleen shabakaddaha Araweelo_News_Network, ayaa lagu amray Hay’adda Sirdoonka Qaranka Somaliland in kiiska Maxamed Cabdi Sheekh Agaasimaha MMTv, ay ku wareejiso Laanta Baadhista Benbiyada ee Booliska, maadaama aanay awood u lahayn sida Xeer ilalaintu ku sheegtay amarkaa in Hay’adda Sirdoonku aannay awood sharci u lahayn tuhunsaha in ay iyadu baadho, ama maxkamad hor geyso, sidaa awgeed ay ku wareejiyaan kiiska Booliska iyo xarunta Baadhista Denbiyada ee CID (Criminal Investigation Department}.

Amarka kasoo baxay Xeer Ilaainta Gobolka Maroodijeex ayaa u dhignaa sidan hoos ka muuqata.-

Eeg Xaashiyaha lifaaqa.

Saxaafadda Somaliland canbaaraysay xadhigaa iyo weliba qaabkii loo qabtay hawlwadeenada MMtv, iyadoo ciidamada amaanku qaateen qalabkii yaalay xafiiska qayb ka mid ah, waxayna arrinta xadhiga suxufiyiintu kusoo beegantay xilli ay xukuumadda Somaliland dalka Ethiopia lasoo gashay Heshiis dhinaca Badda ah oo abuuray dareen xaasaasi ah iyo doodo, kaas oo si weyn loo hadalhayo guddaha Somaliland, geyiga Soomaalida degto iyo dunida kale, isla markaana soo kiciyay dareeno siyaasadeed oo gobolka ah iyo damaqa collaado hore iyo loolan ka jiray gobolka oo taariikhi ah.

Dhinaca kale, Ururka Somaliland ee SOLJa, ayaa canbaareeyay xadhiga maanta lagula kacay Weriye Cabdirashiid Cabdiwahaab, qoraal kooban oo kasoo baxay Ururka ayaa lagu yidhi, “Ururka SOLJA waxa uu aad uga Xunyahay Xadhiga Wariye Cabdirashiid Cabdiwahaab oo ka mid ah Hogaanka Sare ee Ururka SOLJA oo maanta lagu xidhay Magaalada Hargeysa, Waxaanu Ururku ku baaqayaa si deg-deg ah Xorriyadiisa loogu soo celiyo isaga Wariye Maxamed Cabdi Sheekh maalintii 9aad Xidhan”

#Araweelo_News_Network.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

SUBSCRIBE to our YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews /

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post