X

Siyaasiga Maxamuud Xaashi Oo Ugu Baaqay Xukuumadda Inay Xorriyadeeda Usoo Celiso Weriye Bushaaro Baanday

Wasiirkii horre ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Image file, Araweelo News Network, 3 February 2017.

“Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay” Maxamuud Xaashi

 

#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)-Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ah Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa si addag uga hadlay xadhiga Weriye Bushaaro Baanday oo maalmihii u danbaysay ku jirtay xabisga, kaddib markii la qabtay xilli ay dhinaca xadka Wajaale kasoo gelaysay dalka.

Guddoomiye Maxamuud Xaashi, ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi, “Waxaan canbaaraynayaa xadhiga loo geystay saxafiyadda calanka ah, ee Bushaaro Cali Maxamed Diiriye, oo ku magac dheer (Bushaaro Cali Baande). Suxufiyad Bushaaro, waxaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo aan xadhigeeda loo marin dariiq sharci (waaran la’aan ama ogolaansho la’aan maxkamadeed). Waxaanay haatan la’dahay xoriyadeedii iyo xuquuqdeedii muwaadinimo muddo dhan hal usbuuc.” Ayuu yidhi.

 

Guddoomiye Maxamuud Xaashi, ayaa sidoo kale sheegay in tallaabooyinka noocanaa ah ee xukuumaddu qaado ay muujinayaan dhaqanka digtaatooriyada ee kasoo horjeeda dimuqraadiyadda iyo tiirarkeeda.

“  Hab-dhaqankani wuxuu ka markhaati kacayaa, sida ay xukuumaddu ugu xadgudbayso xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee muwaadiniinta, gaar ahaan saxaafadda madaxa banaan. Mana aha markii ugu horaysay ee dad suxufiyiin ah lagu xidho aragtidooda xorta ah, balse waa mid ay dawladda Madaxweyne Muuse caadaysatay, isla markaana curfi ka dhigatay.”ayuu yidhi.

“Cabudhin, cagajugleyn, ka cad-goosi iyo cadaalad darro waa cuduradii iyo calaamadihii ay ummadani ka soo dagaalantay. Mana aha mid cidna laga aqbali karo horayso iyo dambayso.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa xukuumadda in sida ugu dhakhsaha badan, xoriyadeeda loogu soo celiyo suxufidda.” Ayuu ku yidhi, siyaasiga Maxamuud Xaashi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post