Warbixin Ururka Haweenka WORDA kaga hadlay dhibaatooyinka qoysaska iyo lammaanaha is fura
ilmayaroooyaya

Shaqaaqooyinka lammaanaha waxa lagu qiimeeyaa hadba sida ay wax u dhaceen iyo goobta uu ka dhacay, shaqaaqooyinka ka dhex dhaca qoysaskuna waa ka mid dhacdooyinka tacadi ee dhaca. Shaqaaqadan qoyska ka dhex dhacdaana waa dhibaato bulsho dhinac walba taabata oo caafimaadka lammaanahu ka mid yahay.
Warbixin ay soo bandhigtay Hay’adda WHO (Warqad Xaqiiqo No. 239 dibna loo habeeyey Janawari 2016), ayaa lagu sheegay in dhacdooyinka shaqaaqada lammaanuhu yihiin arrin adduunka oo dhan ka dhacda oo lagu tilmaamo in 3-diii qoysba uu hal qoys la kulmo shaqaaqooyinkaas.
Haddaba, bururka qoysaska ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ka dhex jira bulshada Somaliland, kaasoo ah mid waqti kasta taagan. Qoysku waxa uu burburaa marka uu yimaado tacdi si joogto ah uga dhex dhaca qoyska dhexdiisa, ka dibna keena furriin u dhammeeya sii jiritaanka nolosha lammaanaha qoyska oo ay ugu daran yihiin kuwa ubadka isku leh. Marka aad u dhabbo-gasho sababaha gundhigga u ah burburka qoysaska waxa laguu sheegayaa inay ugu weyn yihiin dhawr qodob oo ay ka mid yihiin;
1. Dayacaad ka imanaysa masuuliyadda qoyska oo Aabbuhu uu xuddun u yahay oo ay ugu muhiimsan tahay dhaqaalaha qoyska ee nolol maalmeedka.
2. Gacan ka hadal joogto ah oo ay hooyadu u dulqaadan weydo
3. Dhallinyarada da’doodu yaryar tahay ee isguursada oo ay ku adkaato gudashada masuuliyadda qoyska.
4. Faro-gelin qoysaska qaar kaga timaada dibadda, sida ehelka iyo asxaabta, isticmaalka daroogooyinka iyo arrimo kale.
Haddii la raadiyo tirada qoysaska isfuraya oo ah salka burburka qoyska, way adkaanaysaa in la helo tiro sugan. Tusaale ahaan mar aannu la xidhiidhnay Maxkamadda Degmada Hargeysa, qaybta la xidhiidha dacwadaha qoysaska waxa na loo sheegay in aan tiro-koob sugan laga heli karin tirada qoysaska isfura.
Waxa iyaguna jira xafiisyo shareecada Islaamka ku shaqeeya oo khilaafaadka qoysaska ka shaqeeya, isla markaana kala fura qoysaskii xal kale loo waayo ee codsada in la kala furo. Waxa xafiisyadaa ka mid ah Tawfiiq oo ku yaal magaalada Hargeysa. Mar aannu wax ka waydiinnay tirada qoysaska isfura waxay noo sheegeen in celcelis ahaan bishii ay isfuraan 20 qoys. Waxaana ay tusaale noogu soo qaateen dhammaadkii sannadkii hore, gaar ahaan bilihii sagaalaad iyo tobnaad inay is fureen 43 qoys oo kala noqonaya (Sagaalaad 18 qoys iyo Tobnaad 25 qoys oo isfuray),Hargeysa oo keliya.
Dad aqoon iyo khibrad u leh arrimaha khilaafka ee qyska dhexdeeda oo aannu wax ka waydii waxay noo sheegeen in deegaannada kala duwan ee Somaliland sannadihii u dambeeyey ay jireen dhacyoodin naxdin leh. Waxa dhacda in nin dilo gabadhiisa amma xaaskisa, halka sidoo kale ay dhacdo in gabadhu disho ninkeeda. Dilkuna wuxuu astaan u yahay heerka ugu xun ee khilaafka ka dhexeeya lammaane isqaba, iyadoo natiijaduno noqotay qudh-gooyo. Waxa xilli kasta la arkaa nin gabadhiisii u gacan-qaaday oo dhaawacyo gaadhsiiyey. Waxa kaloo la arkaa gabadh ka cabanaysa ninka qaba oo leh: “Ninkaa yaan la igu celin wuu i dilayaaye.” Marka ay gabadhi ninkeeda ka duddo dhaqan ahaan Soomaalida waa la celiyaa, waxaana cabashadani dhacdaa marka gabadhu cabbirayso heerka khilaafka ee ka dhex jira iyada iyo ninkeeda.
Marka aynu u nimaadno khasaaraha ka dhasha burburka qoyska oo taabta dhinacyo kala duwan. Dhibaato laxaad leh ayaa inta badan la wariyaa in ay carruurta la soo deristo. Marar badan waxa la arkaa qoysas isfuraya oo carruur isu leh. Carruurtaas oo kuwo badan oo ka mid ah masuuliyaddoodu dayacanto.
Waxa dhacda in carruur badan ay noqoto derbi-jiif, oo nolosha adag ee dibadda u ban-baxaan iyagoo fara-xumayn iyo handadaad ba la kulma. In qaar ay cuqdad ka qaadaan qoyskooda burburay oo dhibaato naftooda ay soo gaadhsiiyaan, sida inay tahriibaan amma waxyeello ay isgaadhsiiyaan.
Waxa arrintan markhaatigeeda furaya will yar oo aannu kula kulannay xarunta dhaqancelinta derb-ijiifka ee Hargeysa oo inta aabbihii iyo hooyadii isfureen noqday derbi-jiif. Waxa sheegay inuu nolol adag soo maray oo gidaaradda seexan jiray, isla markaana uu dhib iyo daranyo ba la soo kulmay. Wuxuu talo siinayaa waalidiinta isfuraya.
“Haddii uu qoyskayagii jiri lahaa waxa aan noqon lahaa qof jira oo qayrkii la tartama, oo iskuul hela, garoomada ciyaaraha qeyrkii kula ciyaara, sida kuwa reerku wada jiraan. Qoyskayaguna wuxuu noqon lahaa qoys jira oo fiican,” ayuu yidhi wiilka yar oo magaciisa loo qariyey sababto jira awgood.
Waxaannu intaas ku daray; “Annigu waxa aan odhan lahaa labadii isqabaa haddii ay khalad yar isku qabtaan yaanay kala tegin. Haddii ay kala tagaan ubadka ay dhaleen ayaa meesha ka baxaya. Sida aan annigu imminka ahay oo kale ayay noqonayaan. Waxa kaloo aan odhanayaa ha kala tegina ee nolosha isla sii wadaaga.”
Haddaba, waxa loo baahan yahay in si qoto-dheer loogu kuur-galo dhibta qoysaska dhexdiisa ka jirta ee sababta dhawaacyo jidheed, mid nafeed, ku tacdi nolosha iyo tarbiyada ubadka iyo furiinka sii badanaya oo saameyn gaar ah ku yeesha hooyada iyo ubadka oo had iyo jeer labada isku soo hadha markuu qoys burburo.