X

Qareenka Laba Nin Oo Ganacsato Ajaanib Ah Oo Ethiopia Ku Xidhay Somaliland Oo Ka Hadlay Xadhigooda

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi oo ah qareenka laba Nin oo u dhashay Dalka Suudaan, isla markaana muddo ku xidhan xarunta Denbi Baadhista Somaliland ee Hargeysa, ayaa ka hadlay xadhiga labadaa nin oo ah ganacsato.

Qareenka, ayaa qoraal dheer oo uu kaga hadlay xadhiga labada Nin soo gaadhsiiyay shebekadda Araweelo News Network, wuxuuna ku bilaabay sidan:-
“Waxa la xidhxidhay taariikhdu markay ahayd 21/07/2016, laba nin oo Sudani ah oo Ganacsato Xoolaha ah, kuwaas oo Somaliland sifo sharci ah ku joogay muddan ka dhoofin jiray Xolaha dekada Berbera. Isla markana somaliland soo galin jiray cashuur aad u farabadan.Nimaankaas oo lagu xidhxidhay sabab aan cadayn oo ah nin ayaa lacag idinku leh

ü Waxa dhacday in labada nin ee Ganacsatada ah ee Reer Sudan ay guriga ugu tageen Sarakiil laanta baadhista Danbiyada oo u la socdo ninka Ethiopian ah, Gudoomiyaha Jahliyada Ethiopia ee Hargeysa Mr Cali iyo Cabdillahi Abiib oo Ganacsade Reer Somaliland ah: waxa la qabqabtay wana la katinadeeyey labadii nin ee Reer Sudan waxaan nasiib darro dhacday in uu ninkii Ethiopian ka ahaa uu gacan dhaafay sarakiishii hawl galka waday oo uu bilaabay gacan ka hadal iyo boob uu boobay hantidii guriga taalay ee labada maxbuus, waxa uu qaatay computer lap top ah 2 saddex mobil oo iphone ah, saacad Baasboorkii ninka la yidhaa Bashaar. Iyadoo ay ahayd in hawsha la wareegan Ciidanka hawl galkan waday lana ilaaliyo xaqa iyo xuquuqda eedaysaneyaasha oo ahaa niman marti ah oo Somaliland calankeeda ku hoos jira.
23./07/2016 Waxa la horgeyey Maxkamadda Gobollka Hargeisa waxay eedaysaneyaashii waydiisay in uu lacag ku leeyey Mr dina oo ah ninka Ethiopian ka ah. Waxay ku jawaabeen wax uu ninkaas nagu leeyey ma jirto, waxay maxkammaddii amartay in shan cisho lagu keeno cadayn uu ninka Ethiopian ka ah ku cadaysanaayo hantida ka maqan ee kaga maqan ganacsatada reer sudan arrintaas way jiitantay oo ila hada wax cadayn ah lama keenin nimaankii sidii ayaya laanta baadhista ugu xidhanyihiin waxa intaas baal socotay kambayn iyo loobin ay wadanee , Cali iyo Cabdillahi abiib oo lahaa ninmaanku waxay heshiis ku galeen ethiopa ee ha la dhadhicyo iyaga oo maraca qaar ku doodayey in ay yihiin Ethiopian iyadoo ay cadayn in ay yihiin sudani iyadoo ay leeyihii booliska caalamka ee loo yaqaan ( INTERPOL) ayaa waraaq inoo soo gudbiyay arrintaas oo sharciyan jaban sababta oo ah booliska caalamku qof waraaq uma soo dhibaan .
Anigoo ah qareenka eedaysaneyaasha waxaa igu adkatay in aan la kulmo nimaanka aan qareenka u ahaa,
Iyadoo ay waajib sharci tahay in aan la kulmo goor kasta iyo goob kasta
Waxa kale oo dhacday in sawiradii laga qaday eedaysaneyaasha loo diray walidkood oo la yidhii wa kuwaas caruurtiini haddii aad lacag madax furasho keeni waydan wan gawracayaa iyadoo ninka Ethiopian ah uu isticmaalay awood aanu lahayn (excessive power) Waxa kale oo Ninka Ethiopian u diray fariimo dhammaan dadkii macaamilku ka dhexeeyey ee ay Xoolaha u diri jireen isagoo ku leh nimaanka aniga ayaa haysta lacag ayaan ku leeyey haddii la I siin waayo Ethiopian ayaa u qadanayaa oo dib loo arki mayo,
Ila imika waxa ay ka shaqaynayaan in la gudbiyo eedaysaneyaasha arrintaas oo sharcigu si cad uga hadlay sheegaynaa qaabka iyo habka loo gudbin karo eedaysane ama xukunsane
gunti iyo gabogabadii waxaan u soo jeedinayaa

Wasaaradda Cadaladda Somaliland,
Xeer ilaaliya guud iyo Maxkamadda Rafcan in ay arrintaas soo farro galiyaan madama ay yihiin cida kaliya ee awood u leh in ay dal kale u dhiibana eedaysane ama xukunsane iyadoo la racayo Dasturka iyo xeeraarka kale ee qaranka . waxa kale oo aan soo jeedin lahaa In Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Boolisku arrintaas si dhaw ula socdaan si aan cawaaqib xumi uga iman 10,000 oo arday oo reer Somaliland ah ayaa jaamacado ka dhigta sudan.

Garyaqaan Mubaarig Maxamuud Cabdi ( Ina fallaag)

falaag44@gmail

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post