X

Maxkamadda Sare Ee Maraykanka Oo Denbiile U Aqoonsatay Gen. Cali Samatar

Washigton(ANN)Maxkamadda Sare ee Dalka Maraykanka, ayaa u aqoonsatay General Maxamed Cali Samatar inuu gabood falo ka dhan ah Xuquuqda aadamaha ka gaystay Somaliland xiliyadii sideetanaadkii iyo sagaashanaadkii oo uu hormood u ahaa Taliskii Maxamed Siyaad Bare oo kumaan qof oo aan waxba galabsan ku xasuuqay Somaliland oo xiligaa ka mid ahayd dhul weynihii Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay.

Xubno ka mid ah Qareenadii dacwada ku oogay dhagar qabe Cali Samatar ayaa sheegay inay tahay Guul taariikhi ah oo laga gaadhay Mid ka mid ah Dhagar qabayaashii xasuuqa ka gaystay geyiga Somaliland.

Dhowaan, ayay Maxkamadu ku gacan saydhay dalab uu Gen. Cali Samatar ku doonayay in uu gabood ka dhigto dhawrsanaanta, ama xisaanada dublamaasiyada, taas oo Maxkamadu gacafka ku dhifatay, iyadoo cadaysay in denbiyada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha iyo gaboodfaladu aanay ahay kuwo lagaga badbaadi karo dhawrsanaan iyo xasaanad.
Gen; Cali Samatar ayaa hore Maxkamad ku taal Maraykanku ugu xukuntay lacag 1milyan dolar ah, taas oo ay sheegtay inay noqonay magdhaw dadkii uu xasuuqa u geystay, isagoo aan dafirin denbiyadii iyo xasuuqii dadka shacabka ah.

Halkan Ka daawo Go’aanka Maxkamada Sare ee Maraykanka Riix

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post