X

Human Rights Watch Oo Canbaaraysay Gaboodfalo Ciidanka Kenya U Geysteen Soomalida

New York(ANN) Hay’adda u ololaysa xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, ayaa si kulul u canbaaraysay ciidamada Kenya oo ay sheegtay inay tacadi iyo gaboodfalo ku hayaan dadka shacabka, gaar ahaan dadka Soomaalida aha.
Human Rights Watch waxay sidaa ku sheegtay warbixin ay ku canbaaraysay tallaabooyiinka ciidamada amniga ee Kneya, iyadoo sheegtay in weerarada Al-shabaab ay sare u qaadeen xiisadda ka aloosan dalka Kenya.

Warbixintaa oo maanta lasoo saaray, waxa lagu sheegay sida ay xustay Hay’adda Human Rights Watch in ciidamada amniga ee Kenya ay ku guuldareysteen inay difaacaan dadka rayid ka ah, intuu weerarkaasi socday ama ay baadhitaan sax ah ku sameeyaan arrinta.
warbixin maanta la soo saaray, ayaa ku soo beegantay sanad kaddib weerarkii Mpeketoni, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.
Sidoo kale waxay warbixintu kusoo beegnatay, iyadoo deegaankaa ay ka dhaceen weeraro kale saacadihii lasoo dhaafay, kuwaas oo ay Al-shabaab ka fuliyeen xeebta Lamu iyo dhinaca gobolka Wajeer ee Woqooyiga Kenya.

Human Rights Watch waxay sheegtay jawaabta ay Ciidanka Kenya ka bixiyeen weerarada inay xayiraad kusoo rogeen Muslimiinta iyo Soomaalida kale ee ku dhaqan deegaankaa, waxayna arrintaa ku tilmaantay mid xaaladda sii xumeysay, isla markaana dhiiri gelisa weerarada Al-shabaab ee aan waxba ka bedelin xaalada.
Hay’adda Human Rights Watch, waxay warbixino kala duwan marar hore uga soo saartay xaalada dadka Soomaalida ah ee ku sugan Kenya iyo sidoo kale deegaamada gudaha Somalia ee ay joogaan Ciidamada Kenya iyo kale ee AMISOM, kuwaas oo tacadiyo isugu jira Kufsi iyo dhibaatooyin kale oo ka dhan ah xuquuqda Aadamaha u geysta dadka shacabka ah.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post