X

Haweenayda Loo Bixiyay Gashaantidii Nolosha Iyo Geerida Oo Lagu Xukumay Dalka Bosnia

Araweelo News Network

Azra Bašić

Sarajevo(ANN)-Maxkamad ku taal dalka Bosnia and Herzegovina, ayaa ku riday Xukun 14 sano oo xabsi ah Azra Bašić  oo ah Haweenay da loo bixiyay gashaantidii nolosha iyo geerida “the mistress of life and death” , kadib markii lagu helay dambiyadii dagaal ee ay ka gaysatay sagaashameeyadii dalweynihii laysku odhan jiray Yugoslavia ee burburay.

 

Haweenaydaa Azra Bašić ayaa lagu helay dambiyo ay gaysatay xiligii uu socday dagaalkii Balkan-ka 1990, waxana lagu helay in ay geystay jidh dil ay u gaysatay dad shacab ah oo kasoo Jeeday qowmiyadda Serbianka.

Xaakinka, ayaa sheegay in Bašić ay mas’uul ka ahayd “cadowtinimo gaar ah” oo lagula kacay dadkii ay soo xidheen ciidammada Croat-ka Bosnia.

Xukunka lagu riday Bašić ayaa ah kii ugu  badnaa ee madaxa loo galiyo haweeney loo haysto inay gaysatay gaboodfallo intii uu socday dagaalkii Bosnia.

Bašić, oo ah 58 jir, ayaa hore uga tirsanaan jirtay ciidammada Croat-ka Bosnia, waxaana lagu helay  in ay ka qeyb qaadatay xadgudubyadii Iyo gaboodfaladii xiligaa dhacay, kuwaas oo loo geystay shacabka qoomiyadda Serbia

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay si isdhaaf ah u xidh xidhi jirtay maxaabiista, nin ka mid ah maxaabiistana ay ku qasabtay in uu cabo patrol  ka hor intii aanay dab ku shidin gacmihiisa iyo wajigiisa, kuwa kalana waxa ay ku khasabtay in iyagoo qaawan ay ku dhex guurguurtaan quraarado jajaban.

Dambiyada ugu khatarsan ee ay gashay ayaa ahaa dilka maxbuus ay qoorta tooray ka galisay, sida uu sheegay xaakinka maxkamadda Bosnia ee Xukunka ku riday Haweenaydaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post