X

Haweenay U Dhimatay Dawo Dhacday Oo Lagu Muday Iyo Xildhibaan Ka Hadlay Dhibaatooyin Ka Taagan Cusbitaalkaa

Caynaba(ANN)Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo Ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Deegaanka ee Degmadda Caynaba ayaa Xukumadda Dhexe Gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka Ugu Baaqay inay Wax ka Qabato Dawooyin dhacay oo dad ku dhinteen kuwaasi oo yaala Cusbitaalka Magaaladda Caynaba ee Gobolka Saraar.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan Waxa uu sheegay in Daawooyin Dhacay oo Yaala Cusbitaalka Magaaladda Caynaba ay sababeen Dhimashadda hal Ruux oo Haween ah taasi oo Lagu Magaacabi Jiray Deeqa Cabdi Xaaji Jamac.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan oo Arrintani Faahfaahinayay ayaa sheegay in Haweenaydani oo Umul ahayd la Keenay Cusbitaalka Magaaladda Caynaba Kadibna Lagu Duray Irbad wakhtigii loogu talo galay isticmaalkeedu dhamaaday ama dhacay taasi oo sababay inay si deg deg ah koomo u gasho Haweenaydii kadibna ay Geeriyooto .

Xildhibaan Maxamed Xaaji Abyan ayaa Xukumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda Caafimaadka Ugu Baaqay inay Daawooyin iyo Shaqaale Xirfad leh Keento Cusbitaalka Magaaladda Caynaba oo inta badan Dawooyinka Yaala ay yihiin kuwo Wakhtigoodu dhacay.

Xildhibaankani oo Arrintani Ka hadlayay ayaa Yidhi ” Saluug weyn ayaanu Ka qabnaa hawlaha Caafimaadka dadweynaha Gobolka guud ahaan gaar ahaan degmadda Caynaba oo ay Cusbitaalkeeda ka Buuxaan Dawooyin dhacay ,Waxaa dhawaan Arrintaasi u geeriyootay Marxuum Umul ahayd oo Irbad dhacday nin Shaqaale ahi Ku Duray kadibna Geeriyoodatay “.

Xildhibaanka oo Hadalkiisii Sii Wata ayaa Yidhi ” Waxaanu Xukumadda Ugu baaqaynaa in Arrimahaasi si deg deg ah Wax Looga Qabto oo la Tayeeyo Xirfadda Shaqaalaha goboladda iyo Degmooyinka Dawooyinka si joogto ah loosoo gaadhsiiyo gobolka ” ayuu yidhi Xildhibaan Abyan.
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post