Jolly Tumuhirwe, oo 22 sano jir ah ayaa laga duubay video iyada oo ku tumanaysa oo is-taagausa gabar yar oo 18 bil jir ah.
Jimcihii la soo dhaafay, ayaa gabadhaas jaariyada ah waxa ay maxkamadda u sheegtay in falkaasi uu ka ahaa aargudasho maadaama hooyada dhashay ilmaha yar ay kala kulmi jirtay iyada garaac joogto ah.
Hooyada dhashay ilmaha yar ayaa beenisay in ay garaaci jirtay gabadha dacwadda loo haysto ee jaariyadda ah.
Xaakimka maxkamadda Lillian Buchan, ayaa sheegtay in Tumuhirwe ay geysatay dambi aan wax marmarsiiyo ah loo heli karin.
Waxayna intaas ku dartay in xukunka ku haboon yahay “arxan la’aanta ay muujisay” oo ay kula kacday “lmaha yar oo aan dambi lahayn, oo aan is caawin karin.” sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.