X

Haweenay Ninkeedu Labada Dhegood Ka Jaray

Araweelo News Network

Balkh- Afghanistan (ANN)- Haweeney 23 sano jir ah oo u dhalatay dalka Afghanistan, ayaa BBC-da u sheegtay in Ninkeedu uu xidhxidhay, kaddibna uu ka jaray labada dhegood, iyadoo aanu jirin muran ku saabsan arrimaha qoyska, balse muddo dheer uu aad u xumaa xidhiidhkooda iyada iyo Ninkeeda.

Arrintan ayaa ka dhacday gobolka Balkh oo ku yaalla woqooyiga dalka Afghanistan, waxaana Haweeneydan oo lagu magacaabo Zarina hadda lagu soo waramayaa in xaaladdeeda ay caadi tahay basle ay maskaxiyan isku buuqsan tahay.

Wareysi ay siisay telefishinka Tolo ayaa Zarina waxa ay ka cabatay in ninkeeda uu isku dayay in uu ka horjoogsado in ay booqato waalidiinteeda, iyadoo intaa ku dartay in aanay doonayn in ay nolol dambe wadaagaan Ninkaa.

Waxa ay sheegtay in ninkeeda uu yahay nin shaki badan oo inta badan ku eedeeya in ay ragga kale la hadasho marka ay booqato reerkeeda, waxa ayna dalbatay in si deg deg ah gacanta loogu soo dhigo oo maxkamad la soo taago.

Booliska dalkaasi ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ninka falkan geystay uu u cararay dhinaca degmada Kashinda oo uu hadda ku dhuumaaleysanayo.

Dhibaatada ku dhacday Zarina ayaa ka mid ah dhacdooyin dhanka qoyska ah oo ka dhacay dalkaasi, kuwaasi oo intooda badan ka dhan ah dumarka.

Dowladda dalkaasi Afghanistan, ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in ay isku dayday in ay soo saarto sharci haweenka looga badbaadinayo gabood fallada la xidhiidha arrimaha qoyska.

Balse madaxweyne Xamid Karzai, ayaa markii u horreysay ee uu xukunka qabtay waxa uu ku guul dareystay ama uu iska indho tiray in uu saxeexo sharci noocaasi ah inkastoo labada aqal ee uu ka kooban yahay baarlamaanka dalkaasi uu ansixiyay sharcigaasi.

Sanadkii 2014-kii waxa uu dalbaday in isbadal lagu sameeyo sharcigaasi, waxaana dadka siyaasaddiisa naqdiya ay sheegeen in isbadalkaasi uu aad u yareynayo caddaaladdii ay heli lahaayeen dhibanayaasha ay arrintani haleeshay.

Madaxweyne Ashraf Ghani oo xilka kala wareegay Karzai ayaa isna wali aan saxeexin hindise sharciyeed ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka dalkaasi, waxaana sharcigaasi looga gol-lahaa in looga hortago tacaddiyada ka dhanka ah dumarka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post