X

Dood Ka Dhalatay Nin Ciqaab Adag Mariyay Xaaskiisa Oo Samaysatay Facebook Ay Ka Basaasto

Araweelo News Network

Nin u dhashay dalka Masar, ayaa muddo saddex maalmood ah jidh-dilayey xaaskiisa, aakhirkiina guri ku qufulay, kadib markii uu ogaaday in ay samaysatay facebook, kaasoo ay ugu talogashay inay ka basaasto si ay u ogaato inuu haween kale la sheekaysto.
Nin magaciisu yahay Mustafa Rafaat oo xaaskiisa hore ugu diiday in uu u sameeyo facebook, ayaa ciidammada boolisku gacanta ku dhigeen, iyagoo sheegay inuu xaaskiisa oo magaceeda lagu sheegay Asmaa Samir uu si xun ula dhaqmay.
Sida boolisku sheegeen, ninkan ka cadhooday facebook-gu, waxa uu si fool xun ula dhaqmay xaaskiisa, isagoo muddo saddex maalmood ah u diiday in ay cunto iyo cabbitaan hesho, kaasoo jidhkeeda ku mudmuday walxo af-dhuuban leh si uu u muujiyo cadhada uu ka qaaday facebook xaaskiisu samaysatay.
Mr. Rafaat waxa uu sheegay in xaaskiisu samaysatay saddex facebook oo ay mid kasta magac been ah ku qoratay si ay u baadho inuu khiyaamaynayo iyo in kale, taasna ay ku kaliftay inuu ciqaabo, balse wuxuu diiday in uu macaluul ku eegay muddo saddexda maalmood ah.
Ururrada xuquuqaha haweenka u dooda ayaa ku baaqay in ninkan maxkamad la soo istaajiyo, kadib markii warbixinaha caafimaad sheegeen inuu xaaskiisa dhaawacyo xun gaadhsiiyey.
Sidoo kale, qareenno dhawr ah, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay u doodaan haweenayda, iyadoo dad badan oo reer Masar ah bogga Twitter ku baahiyeen olole ay ku taageerayaan in Xeer-ilaalinta iyo hay’adaha kale ee caddaaladdu ay Rafaat xambsiga dhigaan, ciqaabta uu mudan yahayna mariyaan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post