X

Burco: Xasuuqii 43-ka Qof

Sawirkan waa Cutub ka mid ah Akartii Taliskii Millateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre ee Soomaaliya oo tooganaya dad shacab ah oo tiirarka lagu xidhay. Waa xilligii sideetanaadkii markii uu socday xasuuqii, Kufsigii, Dhacii iyo gabood-faladii ka dhanka ahaa xuquuda Aadamaha, Araweelo News Network.

Maxamed Sharmaarke

Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 4aad, by Mohamed Sharmaake

Qorshuhu wuxuu ahaa in la toogto 45-ka ninba, bal se waxa laga reebay Indha-deero iyo Koofiyad-dheere oo labadooduba ahaa ganacsadayaal lacago badan ku lahaa bangiyada.

Badanka 43-ka nin ee la toogtay waxay ku xidhnaayeen xabsiga dhexe ee Burco, waxaana ay ku xukunnaayeen waxyaabo kala duwan. Qaar badani waxa ay ahaayeen ganacsatadii jaadka oo ku eedaysnaa inay soo dhoofiyeen jaad.

Bishii Diisambar 1984-kii, kolkii ay dawladdu ka war heshay joogitaanka SNM ee buuraha Sheekh, waxa la laalay idil ahaan xukunnadii loo haystay 43-kaas maxbuus, waxaana si isku mid ah, hal mar loogu wada xukumay inay xidhiidh la leeyihiin SNM. Dhibbanayaashaas qaar ka mid ah waxa laga soo ururiyay magaalada Sheekh, waxaana la geeyay Burco.

Waxa la xukumay iyada oo aan lala sugin wax maxkamad ah, waxaana dhammaantood la toogtay isla maalintii, kolka laga reebo laba nin: Indha-deero iyo Koofiyad-dheere (Dabcan waxay ka baqeen in dilka labadaas nin ee magaca lihi uu cimrigooga soo gaabin karo).

Maryan oo ahayd hooyo 8 carruur ah dhashay, ninkeegu wuxuu ku jiray 43-ka nin ee la tooganayay. Askartii dawladda ayaa albaabka gurigeega ku soo garaacay si ay goob-joog uga noqoto toogashada ninkeega iyo 42-ka kale, oo ay waliba sacab iyo mushxaradna isugu darto.

Hooyadaasi waa ay diidday, albaabkiina way furi wayday illaa iyo ay askartii inta ay albaabkii ku jabiyeen ay timaha soo qabteen.

Wiil Dhimbiil la odhan jiray oo goobtaas joogay ayaa aad uga xumaaday, ciidankiina wuxuu ka baryay inay hooyada sidan ka daayaan, bal se mid askartii ka mid ah ayaa ku soo jeedsaday oo isla bartii ku toogtay. (bogga 66aad, A government at war with its own people).

Dilka Dhimbiil, tirada xasuuqa maalintaas wuxuu ka dhigay 44 qof. Dhacdadan, qof kasta oo Reer Burco ah oo maalintaas Burco joogay wuu xasuustaa.

Go,aanka 43 qof oo magaalada Burco ku xasuuqay 20 December 1984, 7:00 subaxnimo ayaa lagu toogtay Kaabadda Madaarka Burco. Araweeelo News Network

20 diisambar, 1984-kii, saacaddu kolkii ay ahayd 7:00 subaxnimo ayaa 43-kaas dulmane lagu toogtay Kaabadda Madaarka Burco.

Xasuuqaas ka dib, qof kasta oo Burco ku noolaa oo in uun lagu tuhmo inuu ka murugooday ama uu saamayn ku yeeshay dilkaasi, waxa la tooganayay iyada oo aan wax sharci ah la hor geyn.

43-kaas nin, dambiga qudha ee ay galeen wuxuu ahaa in ay Isaaq ahaayeen oo dabcan ahayd gummaad uu hiigsigiisu yahay isir-tir.

Magacyadooda halkan akhriso (Waxa ka maqan afar magac).

1. Ciise Ibraahin Ismaaciil
2. Siciid Maxamed Ismaaciil (Madoobe)
3. Cumar Sheekh Yuusuf
4. Cabdi Jaamac Xasan (San-weyne)
5. Cawil Saalax Giir
6. Cabdillaahi Saalax Giir (ka sare walaalkii)
7. Ibraahin Maxamed Xandulle
8. Axmed Yuusuf Mire
9. Maxamed Yuusuf Ismaaciil (Umaas)
10. Cabdi Maxamed Cali (Dheg-jar)
11. Diiriye Cismaan Yuusuf (Laba-lugood)
12. Ismaaciil Saalax Diiriye
13. Maxamed Samatar Axmed
14. Saleebaan Hirad Aadan
15. Cali Cabdi Xuseen
16. Maxamed Maxamuud Cabdi
17. Axmed Ismaaciil Maxamed
18. Cali Cumar Diiriye
19. Muuse Xasan Ibraahin
20. Cabdi Maxamed Faarax (Taakuliye)
21. Aadan Cabdi Ibraahin
22. Cabdi Maxamed Yuusuf
23. Cabdillaahi Xasan Nuur
24. Cabdi Xasan Jaamac
25. Jaamac Cabdillaahi Siciid
26. Cabdi Cali Axmed
27. Siciid Cismaan Geelle
28. Aadan Nuur Ismaaciil (Odaaq)
29. Abokor Cabdillaahi Rooble
30. Yaasiin Axmed Warsame (Soonaan)
31. Axmed Xasan Ismaaciil (Yumbud)
32. Axmed Cabdi Xasan
33. Nuur Doolax
34. Cabdiraxmaan Maxamed Siraad
35. Cabdiraxmaan Maxamed Cali
36. Yaasiin Cabdi Bisad
37. Qaasin Qodax Jaamac
38. Major Maxamed Cali
39. Qorane

Magacyada 43 qof oo magaalada Burco ku xasuuqay 20 December 1984, 12:00 duhurnimo ayaa lagu toogtay Kaabadda Madaarka Burco. Araweeelo News Network
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post