X

Booliska Canada Oo Shaaciyay Magacyada Nin Soomaali Ah Oo La Waayay Iyo Nin Lala Xidhiidhiyay In Uu Khaarajiyay

Calgary(ANN)Booliska Dalka Canada ayaa sheegay in Cabdirashiid Rashka Diihaal oo ahaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada, isla markaana ka soo jeeday deegaanka Sool ee Somaliland laga waayey magaalada Brooks ee gobolka Calgary ee dalka Canada dhamaadkii Bishii hore ee July. Kaddib markii Booliska dalka Canada lagu war geliyay raq iyo Ruux la waayay Maxamed Jaamac Cabdi oo 44 sano jir ahaa, isla markaana gobolka Awdal ee Boorama.

Booliska ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Diihaal oo loo yaqaanay Maxamed Jaamac Cabdi oo 44 sano jir ahaa aan la arag ama la maqal tan iyo 14 kii bishii July, sidaa daraadeed Boolisku waxay sheegeen inay u aqoonsan yihiin in la diley Ninkaa.
Booliska ayaa sheegay in maqnaashaha ninkaasi lagu soo wargeliyey 24kii bisha July, toban maalmood ka dib markii la waayey meel uu jaan iyo cidhib dhigay, waxayna sheegeen in ninkaas loo haysto inuu diley gacan ku dhiigle ay ku magacaabeen Ali Abdullaahi Cawaalle, kaasoo sida ay sheegeen Boooliska Canada la sheegay inuu Diyaarad ka raacay 16kii July ee isla sanadkan 2015 laba maalmood kaddib markii markii la waayey Marxuum Maxamed Jaamac.

Sidoo kale waxay sheegeen booliska Canada in liista danbiilayaasha caalamiga ah la daray Mr. Cawaalle, oo 40 jir ah, kaasoo Diyaarad u raacay magaalada Toronto ka hor intii aanu duulin Soomaaliya.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post