X

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland Oo Safar Shaqo ugu baxay Gobolka Awdal & Nuxurka Qoddobada Kasoo Baxay Kulamo Ay Yeesheen

Xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland

 

Borama (ANN -Wefdi uu hogaaminayay Guddoomiyaha XKCSL Mr. Maxamed-Ammiin Cabdi Dixood oo ay ku wehelinayeen Xoghayaha Guud ee XKCSL Mr. Samatar Maxamed Cabdilahi iyo Gudoomiyaha Garsoorka Khadar Jiilaal, ayaa safar shaqo oo ujeedkiisu ahaa dar-dar gellinta shaqadda XKCSL iyo in la gaadhsiiyo guud ahaanba Gobollada Somaliland, ku tegay magaalo madaxda Awdal ee Borama.

Masuuliyiinta XKCSL ayaa muddadii ay safarka shaqo ku joogeen magaaladda Borama waxa ay kulamo kala duwan la yeesheen Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal iyo shaqaalihiisa, Badhasaabka Awdal, Maayarka Degmadda Borama, Garsoorayaasha kubadda cagta, Masuuliyiinta kooxaha heerka koowaad, Tababaraayaasha xulka kubadda cagta Gobolka Awdal, iyo qaar ka mid ah ciyaartoydii hore ee Gobolka Awdal.

Weftiga XKCSL iyo guud ahaanba kulamaddii kala duwana ee ay yeesheen ayaa noqday kuwo si weyn loo soo dhaweeyay in XKCSL uu shaqaddiisa balaadhiyo, Gobollada Somaliland uu wada gaadhsiiyo iyo in xubno wakiilo XKCSL uga noqda Awdal la magaaco si ay ula shaqeeyaan Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Awdal.

Dhanka kale, kulamaddii kala duwana ee XKCSL uu la yeeshay guud ahaan Musiiliyiinta heer Gobol iyo Degmo, Wasaaradda, Tababarayaasha, Garsoorayaasha, kooxaha iyo bahda ciyaaraha ee Gobolka Awdal ayaa waxaa la isku afgartay qoddobadan hoos ku qoran:

1. In XKCSL iyo Wasaaradda Ciyaaraha ee Gobolka Awdal ay wada shaqeyn wanaagsan yeeshaan si tartamo u qabsoomaan
2. In XKCSL uu magacaabo saddex xubnood oo noqon doona xubnaha Gobolka Awdal wakiiladda uga noqonaya
3. In Garsoorayaasha kubadda cagta ee Gobolka Awdal tababar aqoontooda kor loogu qaadayo la qabto
4. In sidoo kale Tababarayaasha kooxaha heerka koowaad ee Gobolka Awdal iyagana loo qabto tababar aqoontooda kor loogu qaadayo
5. In tartan qurux baddan oo si Toos ah looga daawan doono HCTV uu XKCSL u qabto kooxaha heerka koowaad ee ka dhisan Borama
6. In sharci hoosaadka XKCSL la gaadhsiiyo kooxaha heerarka kala duwan ee Awdal si ay ku dhaqankiisa ay fahmaan
7. In maamulka, macallimiinta iyo ciyaartoyda kooxaha heerka koowaad ee Borama uu XKCSL diiwaan-geliyo si loo hirgelliyo nidaamka sharci ee kala wareegidda.

Safarkan shaqo ee XKCSL uu ka bilaabay Gobolka Awdal ayaa noqonaya mid uu guud ahaanba ku soo mari doono Gobollada Jamhuuriydda Somaliland, waana markii ugu horeysay taariikhda ee talaabaddan billowga ah la yimaado Xidhiidh ciyaareed, waxaana ay ku timid ballan-qaadkii wakhtigii Doorashadda XKCSL uu Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenkiisu ay ku khudbadeeyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post