X

Tartanka Kubbada Kolayga Ee Loogu Magac-daray Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Oo Ka Dhacay Hargeysa


Hargeysa(ANN)Tartaan kubbada Kolayga ah oo loogu magac daray Marxuum Maxamed-Rashiid Cup ayaa habeenki xalay waxa ciyaar iskaga hor yimi kooxaha Wasaaradda Tamarta iyo kooxda Shunuuf, iyadoo labada kooxood kusoo badhigeen ciyaar aad uu xiiso badan, waaxana guushu ay raacday kooxda sidatay Magaca Wasaaradda Tamarta oo ku badisay 70 dhibcood, halka ay kooxda Shunuuf dhalisay 32 dhibcood.

Kooxda Kubadda Kolayga ee sidatay magaca Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta

Tartanka Kubbada Kolayga ee loogu magac daray Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa ka dhacay garoonka kubbada Kolayga ee Magaalada Haregeysa, kaas oo bisha barakaysan ee Ramadaan sanadkan loogu magac daray Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Rashiid Muxumed Faarax oo ahaa halyay xoriyatul qawlka Saxafada madaxbanaan ee Somaliland u halgamayay, isla markaana ahaa xogayihii hore ee ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ka hor intii aanu naftiisa ku waayin dhaawac kasoo gaadhay shil Baabuur ka dhacay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera, Khamiistii 25 December 2014.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post