X

Tartanka Kubadda Kolayga ee Ciyaaraha Gobolada Somaliland

Araweelo News Network
Gabiley Vs Awdal.
Saaxil Vs Daad-madheedh

Hargeysa (ANN)- Wareega koowaad ee tartanka kubbadda Kolayga Gobollada Somaliland ee ka socda garoonka Timacadde ee caasimadda Hargeysa, ayaa la soo gabagabeeyey xalay, waxaana semifinalka u soo gudbay afarta kooxood ee u kala ciyaarayey gobollada Gabilay, Awdal, Saaxil, iyo Daad-madheedh.
Gobolka Maroodi-jeex, ayaa markii u horaysay wareega lugta kowaad ku hadhay tan iyo markii ciyaaraha gobollada ee kubbadda kolayga la bilaabay sannadkii 2003-kii, halka kooxaha kale ee iyana ku guul daraystay in ay u soo gudbaan wareega labaad ay kala yihiin; Hawd, Sanaag, Tog-dheer.

Waxa Arbacada Caawa 8:00 pm fooda isdari doona, ciyaar aad u kululna dhexmari doontaa labada xul ee Gabiley oo iyadu ah gobolka difaacanaya horyaalnimada ciyaaraha gobollada, kuna soo baxday kaalinta kowaad ee Group A iyo gobolka Awdal oo isagu kaalinta 2aad ee Group B ku soo baxay.
Dhanka kale, waxaa iyana habeenka Khamiista food is dari doona labada xul ee SAAXIL oo iyadu kaalinta kowaad ee Group B ku soo baxday iyo gobolka ku cusub tartankan kubbadda kolayga ee DAAD-MADHEEDH.
Labada xul ee Gabiley iyo Saaxil ayaa iyagu guulaystay dhammaan kulamadii ay ciyaareen wareegii lugta kowaad, waxaana la saadaalinayaa in ay yihiin lada xul ee ugu awooda badan tan iyo intii uu tartankani socday. Sidoo kale waxaa iyaguna wacdaro muujiyay labada xul ee Daad-madheedh iyo Awdal.
Geesta kale, waxaa iyana xusid mudan in aan kooxaha Togdheer iyo Sanaag ay tartankan ka hadheen iyaga oo aan hal ciyaarna guulaysan.
Haddaba, sida ay ina tusinayso shaxda hoos ku qoran, waxa ku muujisan sidii ay u kala badiyeen kooxihii kubbadda kolayga ee wada ciyaaray, kulamadoodii iyo dhibciihii ay ku kala badiyeen intii uu socday tartanku.

TAARIIKHDA MAGACA KOOXDA DHIBCAHA GOOLASHA MAGACA KOOXDA
28/10/2016 M/Jeex 18 Vs 52 Gabilay
29/10/2016 Tog-dheer 20 Vs 36 D/madheedh
30/10/2016 Saxil 53 Vs 47 Awdal
31/10/2016 Sanaag 18 Vs 80 Hawd
1/10/2016 Dadmadheedh 43 Vs 45 Gabilay
2/10/2016 M/Jeex 41 Vs 34 Togdheer
3/10/2016 Awdal 54 Vs 49 Hawd
4/10/2016 Saxil 90 Vs 29 Sanaag
5/10/2016 Gabilay forfeit forfeit Togdheer
6/10/2016 M/Jeex 49 Vs 61 D/madheedh
7/10/2016 Awdal 97 Vs 29 Sanaag
8/10/2016 Saxil 37 Vs 25 Hawd

KALA HOREYNTA IYO DHIBCAHA KOOXAHA KUBADDA KOLAYGA
Hormada A MAGACA KOOXDA Kulamadda Goolasha Guuldaro Guul Dhibcaha Guud
Gabilay 3 97 0 3 6
Dadmadheedh 3 140 1 2 4
M/Jeex 3 108 2 1 2
Tog-dheer 3 54 3 0 0
Hormadda B
Saxil 3 180 0 3 6
Awdal 3 200 1 2 4
Hawd 3 154 2 1 2
Sanaag 3 76 3 0 0

isku aadka Semifinalka ciyaaraha kubadda kolayga
9/10/2016 Gabilay (Group A1) Vs Awal (Group B2)
10/10/2016 Saxil (Group B1) Vs Daad-madheedh (Group A2)
11/10/2016 (Friday) Winner of (Group A1 or B2) Vs Winner of (Group B1 or A2)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post