X

Somaliland: Naadiga Barri iyo Galbeed oo ku Guuleystay Koobka Tartanka Boorama Cup

koobkii tartanka Boorama Cup ee la guddoonsiiyay Koobka naadigga Barri iyo Galbeed

Boorama(ANN)-Naadiga ku ciyaarayay magaca shirkadda socdaalka ee Barri iyo Galbeed, ayaa ku guuleystay koobkii Tartanka kubadda cagta ee Naadiyadda Heerka Koowaad ee Degmadda Borama (Borama Cup) oo uu soo qabanqaabiyay xidhiidhka Kubadda Cagta Jamhuuriyadda Somaliland.

Abaalmarino la gudoonsiiyay kooxaha tartamay ee Boorama Cup. Araweelo News Network.

Tartankaa oo ay maal-gelisay Shirkadda Socdaalka ee Barri iyo Galbeed, ilsa markaana Telefishanka caalamiga ah ee HCTV uu si toos ah u baahiyay, ayaa muddo bil ah ka socday garoonka kubadda cagta ee Xaaji Daahir Stadium, waxaana loo qabtay naadiyadda heerka koowaad ee Degmadda Boorama oo tiradoodu ahayd 12 naadi.

Koobabka iyo Abaalmarinaha Tartanka Boorama Cup. Araweelo News Network


Kulankii finalka ee tartanka Boorama Cup, waxaa u soo gudbay markii ay dedaal la yimaadeen labadda naadi ee Barri iyo Galbeed iyo Wasaaradda Maaliyadda Boorama, waxaana 1Gool iyo 0 ay guushu ku raacday naadiga Barri iyo Galbeed, kadib gool ay billowgii ciyaarta ay la yimaadeen.

Koobabka iyo Abaalmarinaha Tartanka Boorama Cup. Araweelo News Network


Guddoomiyaha xidhiidhka Kubadda Cagta Somaliland iyo Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Boos Mire Maxamed, ayaa si wada-jir ah koobkii tartanka Boorama Cup u guddoonsiiyay naadiga Barri iyo Galbeed, halka sidoo kale iyana Abaal-marino kala duwan la guddoonsiiyay ciyaartoydii kale ee dedaalka la yimi mudadii tartanku socday.

Garsoorayaasha Tartanka Boorama Cup. Araweelo News Network.

Labada Naadi ee isugu soo baxay Finalka Koobka Boorama Cup. Araweelo News Network.

Kooxda Bari iyo Galbeed ee Koobka qaaday Araweelo News Network.



admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post