X

Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo Dirays dhamaystiran iyo Casuumad Casho Sharafeed ah Ku Maamuustay Ciyaartoyga Goboladda

Araweelo News Network

Hargeysa – (ANN) Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa casuumad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimaay waxay caawa huteel Maansoor ku casuuntay ciyaartoyga goboladda ee ka qayb-galaya tartanka Wareega labaad ee ciyaaraha Goboladda dalka.
Casuumaddan casho sharafta ah waxaa ka soo qayb-galay dhamaan ciyaartoyga sideeda gobol ee tartankan ka qayb gali doona, maamulka iyo masuuliyiinta ciyaartoyga goboladda, xubno golaha wasiiradda ka tirsan, xubno badhasaabadda goboladda ka socday, masuuliyiinta shirkaddda Telesom iyo marti-sharaf kale oo ka socday qaybaha bulshadda.
Shirkadda Telesom waxay dhamaan xulalka goboladda ee Sool, Awdal, Sanaag, Gabiley, Hawd, Saaxil, Xaysimo, iyo Daad-madheedh ay gudoonsiisay dirayska ciyaaraha oo dhamaystiran.
Ugu horay waxaa casuumadan ka hadlay Agaasimaha horumarinta arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Md. Cabdiwahaab Maax waxaanu u mahadnaqay dhamaan masuuliyiinta iyo ciyaartogay ka soo qayb-galay casuumaddan shirkadda ku maamuustay ciyaartoyga goboladda. Waxaanu sheegay in shirkaddu ay ugu talo-gashay casuumaddan inay ku dhiiri-galiso, oo ay ku waaniso, oo ay ku wacyi-galiso ciyaartoyga ka bad qaba balwadaha iyo dhaqamadda liita.
Md. Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in shirkadda Telesom uu waajib ka saran yahay cidkasta oo bulshadda magaca iyo maamuus usoo jiidaysa oo ay ugu horeeyaan dhalinyaradda ciyaartoyga goboladda dalka ka socda. Maax ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay noqotay ciddii ugu horaysay ee soo dhawaysa, ee sharafta ee casuunta ciyaartoyga goboladda dalka ka socda.


Casuumaddan Casho-sharafta ah ee shirkadda Telesom u qabatay ciyaartoyga goboladda dalka ka socday waxaa ka hadlay Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Cabdilaahi Faarax Maydhane, Washiirka Warshadaha Shucayb, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dhinaca Amniga, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Gudoomiyaha Gobolka iyo Maayarka Degmadda Oodweyne, waxaanay masuuliyiinta ugu horayn shirkadda Telesom uga mahadnaqeen casuumadda casho-sharafta ah ee ay ku maamuustay ciyaartoyga goboladda dalka ka socday, waxaanay shirkadda ku amaaneen kaalinta wax ka oolka ah ee ay hadd iyo jeer hormuud ugu tahay ganacsatadd dalka hadday noqoto ka qayb-qaadashadda arimaha horumarinta danta guuda ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post