X

Muslimiin Tiradoodu Gaadhayso 14 Kun Qof oo ka Qaybgalay Salaadda Jinaasada Marxuum Maxamed Cali Kalaay

Araweelo News Network

Louisville (ANN)Feedhyahankii muslimka caanka ahaa ee Marxuum Maxamed Cali Kalaay oo geeriyooday toddobaadkii hore isagoo 74 jir ah, ayaa si rasmi ah loo aasi doonaa maanta oo Jimce ah kadib markii lagu tukaday salaadda Jinaasada shalay.
Munaasibad sharafeed ka kooban salaatul-jinaasa iyo ducooyin Alle looga baryey Marxuum Maxamed Cali Kalaay oo ay ka qabgaleen in ka badan 14,000 (afar iyo toban kun) oo muslimiin kala tagtay dunida oo dhan, ayaa lagu qabtay shalay magaalada Louisville ee Gobolka Kentucky ee dalka Maraykanka oo ah halka uu ku dhashay.
Tukashada salaadda Jinaasada oo ka dhacday hoolka xornimada ee magaalada Louisville ee uu ku dhashay Marxuum Maxamed Cali Kalaay oo ahayd mid si toos ah looga baahinayey warbaahinta waawayn ee dunida iyo weliba dhinaca Internetka, waxay muujisay doorkii wanaagsanaa ee Marxuumku ku lahaa diinta Islaamka iyo kaalinta uu ka qaatay fidinta dacwadda.
Imaamka magaalada California Sheekh Zaid Shakir oo isagu dultaagnaa Maxamed Cali Kalaay markii uu geeriyooday, ayaa tukiyey salaatul-jinaasada Marxuumka ee ka qaybgaleen kumanaanka qof ee muslimiinta ahi.
Aaska Marxuum Maxamed Cali Kalaay ayaa lagu wadaa inuu dhaco Jimcaha maanta, iyadoo ka sakow kumanaan dadweyne ah ay ka qaybgali doonaan madax badan oo ka mid ah kuwa ka taliya dalalka adduunka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post