X

Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo Soo Xidhay Tartankii Kubbadda Cagta Bisha Ramadaan Ee Garoonka Hargeysa Stadium

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN()-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo af-meeray tartanka kubbadda cagta ee bisha barakaysan ee Ramadaan oo in muddo ah ka socday garoonka Hargeysa Stadium, isla markaana maanta soo dhammaaday.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay gunaanadka tartankan oo ay ciyaartiisa kama-dambaysta ah isugu soo hadheen kooxaha DUCO-WAALID iyo AIR ARABIA, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, wasiirrada arrimaha gudaha, ciyaaraha, Qorshaynta, xidhiidhka goleyaasha, Caddaaladda, wasiir-ku-xigeenno, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada kala duwan ee dalka, marti-sharaf iyo kumanaan katirsan taageerayaasha labada kooxood ee ciyaartu dhexmartay.

Madaxweyne-ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee xukuumadda katirsan, ayaa shacabka kala qayb-galay daawashada ciyaartan, taas oo ay ugu dambayntii guushu ku raacday kooxda kubbadda cagta ee DUCO-WAALID, waxaana ka hor intii aan kooxda guulaysatay koobka la guddoon siinin halkaas hadallo kooban ka jeediyey madaxweyne-ku-xigeenka oo bogaadiyey kooxda guushu raacday.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), waxa uu wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha ku hambalyeeyey dedaalka ay gelisay inuu tartankani guul kusoo dhammaado, waxaana uu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddu xil weyn iska saartay sidii ay da’yarta u dhiirrigelin lahayd, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, wasiirka, agaasimaha guud iyo dhammaanba gacan-yareyaashooda, sidoo kale waxa aan hambalyeynayaa labada kooxood ee ciyaarta kama-dambaysta ah isugu soo baxay ee kaalmaha koowaad iyo labaad kala galay, dhallinyarada reer Somaliland waxa aan u sheegayaa inay ciyaartu tahay caafimaad, sharaf, isbarasho iyo ummadda oo is-dhexgasha iyo inuu nin waliba ku fikiro sidii uu kooxdiisa u horumarin lahaa, haddii aanu xukuumadda KULMIYE nahayna aad iyo aad baanu usoo dhaweynaynaa oo u dhiirrigelinaynayaa dhammaanba ciyaaraha kala kala duwan.”

 

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne-ku-xigeenku kooxda guulaysatay guddoonsiiyey koobkii ay ku guulaysteen, iyada oo xubno ciyaartoy iyo masuuliyiin isugu jirana la guddoon siiyey abaal-marinno ay mutaysteen.

Wa-bilaahi tawfiiq

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post