X

Lix Masuul Oo Madaxweyne Siilaanyo Xilalkii Ay Hayeen Ka Qaaday

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa xilalkii ay hayeen ka qaaday Lix masuul oo ka tirsanaa Xukuumaddiisa. kadib markii uu caawa sameeyay xil qaadis isku dhaandhayn iyo magcaabis cusub.
sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyada caawa, waxa xilalkii ay hayeen laga qaaday Lixdaa masuul oo kala ahaa sida:-

1. Mudane, Cali Cawil Cabdi Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Daadmadheedh
2. Mudane,Cabdirisaaq Waaberi Rooble Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sellel
3. Mudane, Ismaaciil Cabdi Xassan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Sanaag.
4. Mudane, Maxamed Jibriil Yoonis Agaasimihii Guud (Hore) ee Wasaaradda Dib-u-derjinta
5. Mudane, Xuseen Cabdillaahi Jaamac Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore Komishanka Maamul Wanaagga
6. Mudane, Qaasim Xasan Mataan Maareeye Ku-xigeenkii Hore ee TV-ga Qaranka

Dhammaan waxaan idinka Mahad celinayaa Mudadii aad Xilalka Qaranka soo hayseen. xilalka qaranka ayey dabcigeeda tahay in ay meerto noqoto oo kolba cidii hanan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen. Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilkii aad qaranka u hayseen Masuuliyiinta Cusub een u soo igmaday Xilkaasi isaga ah.

Masuuliyiinta ay khusayso arrintanina waxaan farayaa inay sida ugu haboon ugu kala wareejiyaan masuuliyiintaasi Xilalka.” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda oo aan lagu cadayn sababta xilalka looga qaaday.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post